4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2013
Xukuumadda Britain oo Al-shabaab ku Eedeysay inay dhacday gargaar kala duwan oo loogu deeqay Shacabka Soomaaliyeed


Axad, August 11, 2013 (HOL) — Dowladda Britain ayaa shaacisay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay dhaceen gargaar kala duwan oo loogu deeqay dadka Soomaaliyeed, kaasoo qiimihiisu ahaa 480,000 lacagta Britain ah oo la mid ah 750,000 oo doollarka Mareykanka ah.

Warbixintan ayaa maanta waxaa soo saartay waaxda horumarinta caalamiga ah ee dowladda Britain, iyadoo sheegtay in tani ay abuurayso walaac la xiriira sidii ay Ingiriiska uu ku bixin lahaa dhaqaalaha gargaarka ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

“Dhacan wuxuu ka dhacay gobollada Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna dhacay intii u dhexeysay bilihii November 2011 illaa bishii Feberaayo 2012. Waxaana gargaarkan laga dhacay hay’ado maxallim ah, taas oo loogu talo-galay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay waaxda horumarinta caalamiga ah ee Britain.

Britain waxay sheegtay in tani ay dib u dhigtay gargaar gaaraya 80 Milyan oo doollar oo loogu talogalay in Soomaaliya lagu caawiyo 2012 illaa 2013, taasoo ay sabab uga dhigeen in baaritaanka arrintan ay qaadatay 12 bilood oo xiriir ah.

Xildhibaan, Gerald Howarth oo ka tirsan xisbiga muxaafadka  ah ee ra’iisul wasaaraha Britain ayaa sheegay in xatooyadan ay kordhinayso walaaca ku saabsan sida lacagtan loo bixiyay.

“Tani waxay sare u qaadaysaa walaaca bulshada, waayo lacagtan waa mid laga soo qaaday canshuuraha ay bixiyaan shacabka Britain looguna talogalay in lagu caawiyo dad dalkoodu uu dagaal ka jiro, balse in la xado ma ahan mid la aqbali karo,” ayuu xildhibaanku u sheegay wargeysa Suday Telegraph.

Afhayeen u hadlay waaxda horumarinta caalamiga ah ee Britain ayaa xusay inay ka shaqeeyaan dalal ay colaado iyo khataro ay ka jiraan sida Somalia oo kale, balse waxaan sameynaynaa wax walba oo aan kaga hortegi karno xatooyada noocan oo kale ah.

“Waxaan ka shaqeynaa dalal aad u khatar badan oo caalamka ku yaalla oo ay ku jirto Soomaaliya, taasna waxaa u sabab ah inay ku sugan yihiin dad faqri ah oo aan haysan deggenaasho, waana mid aan ku doonayno in aan kaga shaqeyno nabadgalyada adduunka iyo nabadgalyada UK,” ayuu yiri afhayeenka.

Britain ma aysan sheegin noocyada gargaarka ay Al-shabaab dhacday, sidoo kalena ma jirto hadal kasoo baxay dhinaca Al-shaaab oo ku saabsan eedda ay Britain u soo jeedisay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya