4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2013
Xildhibaano kasoo jeeda Puntland oo wada dadaallo ay xal ugu raadinayaan khilaaf u dhexeeya Dowladda Somalia iyo Puntland

Sabti, August 10, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland iyagoo wada dadaallo ay ku doonayaan inay ku xalliyaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda Soomaaliya.

Mudanayaashan oo toddobaadkii hore gaaray Gaalkacyo ayaa waxay horay u sheegeen inay doonayaan inay u kuurgalaan xaaladda shacabka ku nool Puntland oo ay kasoo jeedaan, balse qorshahoodu uusan ahayn inay dhexgalaan dowladda Soomaaliya iyo Puntland.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay ku dhlatay inay dhexdhexaadiyaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland, isagoo xusay inay Puntland qoonsatay wax ka bedelka dastuurka dalka.

“Puntland waxay qoonsatay wax ka bedelka lagu sameynayo dastuurka dalka iyo weliba in laga laabto federaalka, sidoo kale waxaa jira qodobbo lama taabtaan ah sida midnimad Soomaaliya iyo xuduudaheeda,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi.

Sidoo kale, mudanahan ayaa sheegay inay doonayaan inay la kulamaan madaxda Puntland ayna ka dhageystaan cabashadooda, markaas kaddibna ay la kulmaan madaxda Soomaaliya, si khilaafkan xal looga gaaro.

Maamul goboleedka Puntland ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay ku xad-gudubtay qodobbo dhowr ah, inta ay ka saxaysana aysan xiriirka dib u soo celin doonin.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay arrintaas ayaa waxay ku tilmaantay been aan sal iyo raad lahayd, iyagoo xiriirka ay Puntland u jartay dowladdana ku tilmaamay mid mas’uuliyad darro ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya