4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2013
Saraakiil ka Tirsanaa Ciidanka Cirka dalka Itoobiya oo ku Geeriyooday shilkii Diyaaradeed ee ka dhacay Garoonka Muqdisho


Sabti, August 10, 2013 (HOL) — Saraakiil sar-sare oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay shilkii diyaaradeed ee Jimcihii shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho sida uu daabacay wargeys kasoo baxa Addis Ababa oo lagu magacaabo Tadias.

Wargeysku wuxuu sheegay in afartii ruux ee ku dhintay shilka ay ahaayeen dhamaantood khabiiriirin dhinaca ciidamada cirka ah, waxaana laba ka mid ah ay ahaayeen saraakiil saresare oo muddo dheer u shaqeynayay ciidanka cirka Itoobiya.

Sarkaal ay jaal ahaayeen saraakiisha ku dhintay shilka diyaaradeed oo hadal siiyay wargeyskan ayaa sheegay in dhammaan saraakiisha dhintay ay ahaayeen khuburo sare oo dhinaca ciidamda cirka ah, qaarkoodna ay shaqo billaabeen xilligii uu dalkaas ka talinayay Col. Mingistu Hailemariam.

“Aniga shaqsiyan waan garanayay dhammaantood,” ayuu yiri sarkaalka oo aan magaciisa sheegin, isagoo intaas ku daray. “Saraakiishan laba ka mid ah waxay ahaayeen tababarayaal iyo la taliyayaal, labada kalena duuliyeyaal ayay ahaayeen,” ayuu yiri sarkaalkan.

Laba ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayaa ku dhaawacmay, kuwaasoo lagu daweynayo hadda isbitaal ay AMISOM ku leedahay Muqdisho, inkastoo aan la ogeyn xaaladooda caafimaad sida ay tahay.

Diyaaraddan ayaa waxay hub u sidday ciidamada AMISOM, inkastoo aan weli la ogyn halka ay hubka ka keentay, xilli la ogyahay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya aysan qayb ka ahayn howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xukuumadda Itoobiya weli kama aysan hadlin diyaarada ciidan ee kaga bur-burtay magaalada Muqdisho, balse wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas ayaa sheegtay inay warbixin kasoo saari doonaan mar dambe oo aan la ogeyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya