4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2013
Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Somalia oo dacwad ka dhan ah Ciidanka Kenya u diray Maxkamada Dambiyada ee ICC


Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ayaa qoraal ay ku ashtakeynayaan ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada Jubbooyinka u diray maxkamadda  dambiyada caalamiga ah ee ICC iyagoo ka dalbaday inay baaritaanno ku sameyso dambiyo ay ka geysteen ciidamada Kenya magaalada Kismaayo.

Ururradan oo ah kuwo aan dowli ahayn ayaa sheegay inay baaritaano ku sameeyeen dambiyada ay ciidamada  Kenya geysteen, ayna ogaadeen in ciidamada Kenya ay ka galeen Somalia xadgudubyo ka dhan ah aadanaha iyo dambiyo dagaal.

Qoraalka ay maxkamadda u direen ururradan ay ku eedeeyeen inay qayb ka yihiin dambiyada ay geysteen ciidamada Kenya madaxdooda oo uu ku jiro madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ay sheegeen taliyaha guud ee ciidamada Kenya.

“Dambiyada dagaal iyo xadgudubyada bani’aadmanimo waxaa ka mid ah jir-dillo, xasuuq, awood ciidan oo loo adeegsaday rayidka, kufsi, boob hantiyeed iyo barakicin shacab,” ayay ururadan ku sheegeen warbixin soo aareen sida ay daabacday shabakadda Sabahi Online oo fadhigeedu yahay Mareykanka.

Inkastoo aan la magacaabin ururradan kuwa ay yihiin ayaa haddana waxaa tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya oo cabasho ah ay u diraan maxkamadda dambiyada caalmiga ah ee ICC oo xarunteedu tahay dalka Holland.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo bishii Maarso ee sannadkan ku guuleystay doorashadii madaxnimo ee Kenya ayaa horay loogu eedeeyay inuu galay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kuwaasoo Kenya ka dhacay sannadkii 2007 markaasoo lagu murmay doorashadii madaxnimo ee xilligaas dhacday.

Cidamada Kenya ayaa waxay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna ku sugan yihiin gobollada Jubbooyinka, iyadoo horay ay dowladda Soomaaliya ugu eedeysay inay la safteen dhinacyo ku murasan awoodda maamul ee degmada Kismaayo bilihii lasoo dhaafay.

Xukuumadda Kenya wax jawaab ah weli kama aysan bixin eedeynta loosoo jeediyay ciidamadooda qaybta ka ah AMISOM, waxayse horay u beeniyeen inay ku lug lahaayeen dagaalladii ka dhacay Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya