4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2013
Dumarka Soomaalida oo la Shaaciyay inay yihiin kuwa ugu badan Caalamka ee lagu sameeyo gudniinka Fircooniga ah

Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Hay’adda UNICEF ayaa wrabixin ay soo saartay ku sheegtay in gabdhaha Soomaalida ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah, iyadoo caadadan ay Soomaaliya ku xidideysatay, sida looga hortagana ay aad u yar tahay.

UNICEF waxay warbixinteeda ku sheegay in inkastoo taageerada loo hayo caadadan ay kusii yaraanayso dalka Soomaaliya iyo dalalka kale ee Bariga Afirka haddana 98% haweenka Soomaaliyeed ee da’doodu u dhexeyso 15 illaa 49 sano ay yihiin kuwa ugu badan dunida ee habka fircooniga ah loo guday.

“Gudniinka dumarka Soomaalida waa midka ugu badan caalamka marka loo eego waddamada uu dhaqanka gudniinku ka jiro,” ayaa lagu yiri warbixinta oo lagu sheegay, iyadoo dadaal badan labaatankii sano loo galay sidii lagu joojin lahaa caadadan.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in 74% dumarka Itoobiyaanka ah oo da’doodu u dhexeyso 15 illaa 49 lagu sameeyay gudniinkan, iyadoo inta badan gudniinkan lagu sameeyay haweenka Soomaalida ah ee dalkaas ku nool. Dumarka u dhashay dalka Kenya ayaa 27% ka mid ah loo gudan habka FGM-ka loo yaqaan, balse dumarka Soomaalida ah ee ku nool Kenya iyaga ka ah tiradan 98%.

Daka Jabuuti oo dadkeedu ay intooda badan yihiin Soomaali ayaa la sheegay in 93% dumarkooda loo gudo habkan, halka dalka Tansaaniya la sheegay in 15% dumarka ku nool la marsiiyo caadadan.

UNICEF ayaa sheegtay in soo saarista warbixinta ay la kaashanatay USAID oo ah hay’adda gargaarka Mareykanka, waxaana ay warbixintan ay ahayd mid la ururinayay labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Hay’adaha ka shaqeeya xuquuqda haweenka iyo ka hortaggan gudniinkan ayaa sheegay in inkastoo dadaallo badan ay ku bixiyeen sidii haweenka ay uga nabadgeli lahaayeen gudniinkan ay haddana dadka Soomaaliyeed si aad ah ugu dhagan yihiin, iyagoo rumeysan inu xayndaab asturaad ah u yahay gabadhahooda.

“Caadadan waa mid ku xidideysatay Soomaalida, waalidiinta ma ogola inay gabadhahooda iska daayaan oo aysan gudin, iyagoo u arkaya in laga yaabo gabadhu inay ceeb u soo jiiddo qoyska haddii aan la gudin,” ayay tiri Muna Cabaas Maxamed oo ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee waxbartay.

Waalidiinta Soomaalida ayaa rumeysan in gabadhooda haddii aysan marin gudniinka fircooniga aysan jirin rag ka guursanaya, taasina ay tahay midda sida aadka ugu khasabtay inay caadadan u adeegsadaan gabdhahooda.

Soomaalida dibadaha ku nool ayaa iyagu cadaadis kala kulmay dalalka ay ku nool yihiin haddii ay gabdhahooda u gudi lahaayeen habka ficdooniga ah, iyadoo inta badan gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhashay dalalka galbeedka ay ka badbaadeen in habkan loo gudo.

Ugu dambeyn, culummada Soomaalida ayaa rumeysan in gudniinka FGM-ka loo yaqaan uu yahay caado aan sal ku lahayn diinta islaamka, balse dadka Soomaaliyeed ay caado ka dhigteen, taasoo soo socotay kumannaan sano.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya