4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2013
Machadka Heritage oo warbixin uu soo saaray ku sheegay in si iskeed ah ay u kobocday Waxbarashada sare ee Soomaaliya


Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Warbixin uu soo saaray Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage ayaa lagu sheegay in waxbarashada sare ee Soomaaliya ay koboc weyn sameysay 22-kii sano ee Soomaaliya ay ka jireen colaadaha sokeeye, iyadoo lagu sheegay warbixinta in kumannaan arday ah ay dhigtaan koton jaamacadood oo dalka ka furan.

Heritage waxay warbixintooda ku sheegeen in koboca waxbarashada sare ee dalka ay wax talo iyo tusaale ah ku yeelan dowladihii dalka soo maray, balse uu si iskiis ah isaga kobcay.

“Waxbarashada sare ee Soomaaliya ayaa si weyn u kobcay labaatankii sano ee dagaallada sokeeye. In ka badan 50,000 oo arday ayaa dhigata tiro 50-tameeyo jaamacadood ah oo dalka dacalladiisa ku yaalla,” ayaa lagu yiri warbixinta uu machadkan oo sannadkan looga dhawaaqay Muqdisho uu soo saaray.

Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu yiri: Maqnaanshaha siyaasad waxbarasho oo Qaran iyo mid goboleed waxay sii cakirtay xaaladda. Jaamacaduhu ma lahan tayo cilmi-baaris iyo mid aqoon faafin. Tayada macallimiintuna aad ayay u liidataa.”

Jaamacadaha dalka ka hirgalay xilliyadii colaadaha sokeeye ayaa la sheegay inaysan haysan kaabayaal ku filan, sida maktabado kumbuyuutar iyo kuwa sayniska. Waxayna si weyn ugu tiirsan yihiin baa lagu yiri lacagta ardayda ay ka qaadaan, si ay u maareeyaan howl-galladooda.

Dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada waxaa la gudboon baa lagu yiri inay soo saaraan siyaasado waxbarasho oo wax-ka-qabtada arrimaha la xiriira tayada, isla markaana is waafajiya ahamiyadaha Qaranka iyo siyaasadaha waxbarashada.

Beesha caalamka ayaa iyagana loogu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha Qaranka iyo kuwa gobollada, si loo hagaajiyo tayada aqoonta ee Somalia oo iskood ah u soo socday muddadii ay dagaallada sokeeye dalka ka socdeen.

HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTA HERITAGE OO PDF AH

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya