4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2013
Shirkii 12-aad ee dalalka Geeska Afrika oo 23-ka bishan Agoosto ka furmaya Magaalada Lund ee Waddanka Sweden


Khamiis, August 1, 2013—Waxaa inta u dhaxeysa 23—24-ka bishan ka dhici doona magaalada Lund ee dalka Sweden Shirkii 12aad ee Geeska Africa, kaasi oo ah shir sanadle ah oo looga hadlo arrimaha gobolka Geeska Afrika. Shirka sanadkan ayaa waxaa looga hadli doonaa Kheyraadka, Xasaradaha iyo Nabadda Geeska Afrika, waxaana lagu casuumay ka qeybgalayaal badan oo aqoonyahanno ah.

 

Shirka oo socon doona labo maalmood ayay ergooyinka  shirka ka qeybgelaya ka kala imaanayaan dalalka Somalia, Ethiopia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan iyo Waqooyiga Ameerika, Yurub, iyadoo sdoo kalena ay ka soo qeybgeli doonaan wakiillo ka socda Qarammada Midoobay, Midowga Yurub iyo Shakhsiyaad ka socda Ururro shirka lagu casuumay.

 

Dadka shirkan lagu casuumay ee ka soo qeybgeli doona ayaa waxaa ka mid ah: 

  1. Abdillahi Elmi Mohamed,(PhD Candidate)  iyo Cilmi baare gobolka Geeska Afrika.
  2. Prof. Arne Ardeberg, PhD, oo Jaamacadda Lund ka tirsan.
  3. Mr. Jörgen Forsberg, Ku xigeenka Duqa magaalada Lund ee dalka Sweden.
  4. Ambassador Per Lindgärde, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, Qeybta Afrika.
  5. Mr Alexander Rondos, wakiilka gaar ah ee  Midowga Yurub u qaabilsan G.Afrika.
  6. Farah Sheikh Abdulkadir, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.
  7. Gustaf Ödqvuist, Guddoomiyaha Machadka Nabadda iyo Nolosha, Uppsala, Sweden.
  8. Larry  A. Swatuk (PhD), oo ka socda Jaamacadda Waterloo ee Canada.
  9. Dr. Kidane Mengisteab,  (PhD), Jaamacadda Penn State.
  10. Dr. Amira Osman, (PhD), Jaamacadda Bradford, UK.
  11. Sisay Asefa (PhD), Western Michigan University USA.
  12. Prof. Gaim Kibreab (PhD),  Jaamacadda South Bank, London.
  13. Dr. Kuel Maluil Jok (PhD), University of Juba.
  14. Hussein Gadain, La-taliye FAO.
  15. Abdi Ismail Samatar (PhD), Jaamacadda Minnesota.
  16. Ambassador Marika Fahlen, Ergay hore oo dowladda Sweden u qaabilsanaa G. Afrika.
  17. Dr. Hodan S. Isse (PhD), Jaamacadda Buffalo, USA.
  18. Jakob Granit  (PhD) Machadka Deegaanka Stockholm.
  19. Dr. Omer Ismail, (PhD graduate), Jaamacadda Khartoum.
  20. Dr. John W. Forje (PhD), Xarunta Cilmi Baarista CARAD.
  21. Prof. Abdullahi Eltom (PhD) Jaamacadda Qaranka Ireland.
  22. Dr. Ulf Johansson Dahre (PhD) Jaamacadda Lund.
  23. Dr. Mohamed Jalal Hashim (PhD) Jaamacadda Khartoum.
  24. Dr. Kontie Moussa (PhD), Jaamacadda Lund.
  25. Drs Fatumo Ali
  26. Dr. Yakoub Abdi Aden (PhD) Machadka Karolinska.
  27. Liban Wehlie (Msc) SIRC.

Shirkan oo ay sanad kasta qabato SIRC  ayaa waxaa qabsoomiddiisa gacan weyn ka geysaty Jaamacadda Lund, Degmada Lund, Jaamacadda Dadka, Akadeemiyada Bernadotte iyo UNA-Sweden.

Ugu dambeyntiina, Xiriiriyaha Shirka C/llaahi Jaamac oo isaga iyo asxaabtiisa ay muddo 12 sanadood ah soo qabanayeen shirar looga hadlayo arrimaha Geeska Afrika ayaa shirka guul u rajeeyay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sidii horay ay u sameyn jireen oo kale ay buug ka sameyn doonaan daraasadaha iyo warbixinnada shirkan la isugu keeno.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]