4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2013
Tartamayaal ka Qayb-qaadanaya Barnaamijka Hirgeli Hammigaaga Faneed oo Maanta lagu soo bandhigay Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Wakaaladda murtida, madadaalada iyo farshaxanka Soomaaliyeed ayaa maanta kusoo bandhigtay Muqdisho tar-tamayaal ka qayb-qaadanaya barnaamijka Hirgeli Hamigaaga Faneed oo soo socday muddo, kaasoo ay wareega saddexaad kusoo baxeen 25-tartame oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Barnaamijkan oo ay waddo wakaalada murtida, madadaalada & farshaxanka ayaa waxaa ka gacan ku siineysa xarunta cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee CRD, iyadoo barnaamijkan oo markii hore ahaa is reeb-reeb ay boqolaal ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ka qaybgaleen.

Munaasabada lagu soo bandhigayay tartamayaasha barnaamijkan ayaa waxaa ka qayb-galay abwaanno, fannaaniin iyo saraakiil ka soctay hay'adda CRD, waxaana barnaamijkan lagu tilmaamay kii u horreeyay oo lagu soo saarayo dhallinyaro fanaaniin ah ee ka qayb-galaya tartankan faneed.

Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay tartamayaal ku haray wareega saddexaad, kuwaasoo lagu dhiiri-gelinayay ka qeyb qaadashadooda tartanka looguna aqoonsanayay fanaannimo.

Abwaan C/kariin Ilka-jiir ayaa sheegay in 25-dhalinyaro ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ay kasoo gudbeen wareegga saddexaad, isla markaana lasii kala reebi doono, wuxuuna ugu baaqay dhallinyaradan inay la yimaadaan, karti iyo dadaal si ay u muujiyaan haybadoodda faneed.

Ilko-jiir wuxuu intaas ku daray in 25-ka dhallinyaro ay 21 ka mid ah ay yihiin heesaa, saddexda kalena ay isugu jiraan laba majaajiliiste iyo gabyaa, isagoo intaas ku daray in qofka fanaanka noqonaya marka uu masraxa yimaado uu muujiyo haybaddiisa faneed oo uusan iska dhigin cid kale, isagoo xusay in Fanka uu yahay wax soo jireen ah, fannaan walbana lagu qaadan doono codkiisa.

Maareeye ku-xigeenka wakaaladda murtida iyo madadaalada abwaan Saciid Harawo oo isaguna goobta ka hadlay ayaa kula dar daarmay dhallinyaradan inay yihiin kuwii bedeli lahaa, haddii ay yihiin heesaa, abwaano iyo majaajiliistayaal, isagoo u rajeeyay inay ku soo baxaan tartankan oo ay horay ugu soo shaac baxeen fannaaniin caan ah sida Xasan Aadan Samatar.

Barnaamijkan Hirgeli Hamigaaga Faneed oo ahaa mid muddo soo socday ayaa lagu wadaa in marka uu soo gaba-gaboobo tartanka is-reeb-reebka in tartamayaasha wareegga ugu dambeeya kusoo baxa in bandhig loogu qaban doono tiyaatarka Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, wakaaladda Murtida, Madadaalada iyo Farshaxanka Soomaaliyeed oo kaashaneysa Hay’adda CRD ayaa waxay wadeen dadaallo ku saabsan sidii loo soo nooleyn lahaa fanka iyo farshaxanka Soomaaliyeed.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya