4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2013
Sheekh Axmed Madoobe iyo Wafdi uu Horkacayo oo soo Gaaray Magaalada Kismaayo; Iyagoo ka yimid Nairobi [SAWIRRO]



Khamiis, August 01, 2013(HOL) :- Wafdi uu horkacayo madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada, iyadoona wafdigani uu kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Imaatinka wafdigan oo ahaa mid aan hore loo shaacin ayaa waxa garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin  iyo saraakiil ka tirsan maamulka.

Madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa mudadii uu ka maqnaa gobolka, wuxuu safarro kala duwan kusoo maray dalalka Kenya, Itoobiya isagoona sidoo kale booqasho ku tagay deegaano ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Imaatinka wafdigan uu horkacayo Sheekh Axmed Madoobe ee maanta soo gaaray Kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmo ay ka harsanyihiin mudadii 30-ka casho ee ay u kordhiyaan ergadii shirka si madaxweeynhaha maamulka uu usoo dhameytiro dhismaha golaha wasiirada ee maamulkiisa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.