3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2013
Sheekh Axmed Madoobe iyo Wafdi uu Horkacayo oo soo Gaaray Magaalada Kismaayo; Iyagoo ka yimid Nairobi [SAWIRRO]



Khamiis, August 01, 2013(HOL) :- Wafdi uu horkacayo madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada, iyadoona wafdigani uu kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Imaatinka wafdigan oo ahaa mid aan hore loo shaacin ayaa waxa garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin  iyo saraakiil ka tirsan maamulka.

Madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa mudadii uu ka maqnaa gobolka, wuxuu safarro kala duwan kusoo maray dalalka Kenya, Itoobiya isagoona sidoo kale booqasho ku tagay deegaano ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Imaatinka wafdigan uu horkacayo Sheekh Axmed Madoobe ee maanta soo gaaray Kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmo ay ka harsanyihiin mudadii 30-ka casho ee ay u kordhiyaan ergadii shirka si madaxweeynhaha maamulka uu usoo dhameytiro dhismaha golaha wasiirada ee maamulkiisa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
8/1/2013 2:42 PM EST
Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ayaa qoraal ay ku ashtakeynayaan ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada Jubbooyinka u diray maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC iyagoo ka dalbaday inay baaritaanno ku sameyso dambiyo ay ka geysteen ciidamada Kenya magaalada Kismaayo.

8/1/2013 2:18 PM EST
Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Hay’adda UNICEF ayaa wrabixin ay soo saartay ku sheegtay in gabdhaha Soomaalida ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah, iyadoo caadadan ay Soomaaliya ku xidideysatay, sida looga hortagana ay aad u yar tahay.

8/1/2013 1:50 PM EST
Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Warbixin uu soo saaray Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage ayaa lagu sheegay in waxbarashada sare ee Soomaaliya ay koboc weyn sameysay 22-kii sano ee Soomaaliya ay ka jireen colaadaha sokeeye, iyadoo lagu sheegay warbixinta in kumannaan arday ah ay dhigtaan koton jaamacadood oo dalka ka furan.

8/1/2013 12:46 PM EST
Khamiis, August 1, 2013—Waxaa 23—24-ka bishan ka furmi doona magaalada Lund ee dalka Sweden Shirkii 12aad ee Geeska Africa, kaasi oo ah shir sanadle ah oo daraasado badan oo gobolka Geeska Afrika ku saabsan. Shirka sanadkan ayaa waxaa looga hadli doonaa Kheyraadka, Xasaradaha iyo Nabadda Geeska Afrika.

8/1/2013 10:58 AM EST
Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Wakaaladda murtida, madadaalada iyo farshaxanka Soomaaliyeed ayaa maanta kusoo bandhigtay Muqdisho tar-tamayaal ka qayb-qaadanaya barnaamijka Hirgeli Hamigaaga Faneed oo soo socday muddo, kaasoo ay wareega saddexaad kusoo baxeen 25-tartame oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

8/1/2013 10:57 AM EST
Booliiska dalka Kenya ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay xabsiyada u taxaabay tobonnaan dhalinyaro ah oo looga shakisanyahay inay ku jiraan kooxda Super Power oo ah koox ay isku urursadeen dhalinyaro burcad ah oo lagu diray liiska kooxaha dambiilayaasha ah ee ka hawlgala dalka Kenya.

8/1/2013 10:57 AM EST
Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia oo maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa uuna shir-guddoominayay ra’iisul wasaare Saacid ayaa su’aalo la xiriira ammaanka lagu weydiiyay taliyeyaasha booliiska iyo nabadsugidda Soomaaliya.

8/1/2013 8:28 AM EST
Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka ayaa si cad u diiday maanta in guddoonka baarlamaanka ay wax ka bedelaan hindise-sharciyeedka sameynta maamullada dalka oo qodobbo ka mid ah uu ka biyo-diiday madaxweynaha Soomaaliya.

8/1/2013 8:11 AM EST
Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Bannaanabax lagu taageerayo howlaha samafal ee Turkigu uu kawado Muqdisho loogana soo horjeedo weerarkii is-ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday qunsuliyaddooda Muqdisho ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

8/1/2013 7:28 AM EST
Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa ka hadlay dilalka qorsheysna ee Al-shabaab ay ka geysanayso magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in weerarradaas ay kuwo ammaanka lagu carqaladeynayo.

8/1/2013 7:11 AM EST
Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Ciidammo gadoodsan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa askari iyo saddex qof oo shacab ah ku toogtay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

8/1/2013 2:56 AM EST
Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay markii ugu horeysay ay kawada shaqeynayaan dowladda Soomaaliya sugida amniga labada dhinac iyo is-dhaafsiga xogaha sirta ah.

8/1/2013 2:33 AM EST
Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Qaraxyo waaweyn ayaa saakay waaberigii hore ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdihso, kuwaas oo lagu xiray laba ka mid ah baallayaasha korontada ku shaqeeyaa ee jidkaas ku xiran.