4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2013
Xidhibaannada baarlamaanka oo diiday in guddoonka baarlamaanka uu wax ka bedelo Sharci uu Madaxweynuhu soo celiyay

Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka ayaa si cad u diiday maanta in guddoonka baarlamaanka ay wax ka bedelaan hindise-sharciyeedka sameynta maamullada dalka oo qodobbo ka mid ah uu ka biyo-diiday madaxweynaha Soomaaliya.

Kulan gabo-gabo u ahaa kulammadii aan caadiga ahayn ee xildhibaannadu ay yeelanayeen bishii lasoo dhaafay ayay guddoonka baarlamaanku ka sheegeen in madaxweynuhu uu kusoo celiyay hidise-sharciyeedka sameynta maamullada dalka ayna iyagu bedeleen qodobbadii uu madaxweynuhu dhaliilay, taasoo xildhibaannadu ay mar kaliya ka qayliyeen.

Xildhibaannada ayaa sheegay in sharciga sidiisa loogu celiyo madaxweynaha haddii uu soo diidana iyaga toos loogu keeno, balse aysan ogolaan doonin in guddoonka baarlamaanka ay wax ka bedel ku sameeyaan.

Arrintan ayaa waxay muddo kooban saameyn ku yeelay kulanka gabagabada ah ee xildhibaannadu ay lahaayeen iyadoo xildhibaannada qaarkood ay ku tilmaameen go’aanka guddoonka baarlamaanka mid ka baxsan xeerarka u degsan baarlamanka iyo dastuurka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka biyo diiday qodobbo ka mid ah sharcigan, isagoo ku tilmaamay kuwo aan caddeyn, isagoo dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo, balse hadalka xildhibaannada maanta ay noqon doonto in sidiisa dib loogu celiyo.

Guddoonka baarlamaanka ayaa buuqa kaddib ka gudbay qodobkaas, iyadoo xildhibaannadu ay gudo galeen ka doodista miisaaniyadda dalka lixda bilood ee soo socota, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda si wax looga weydiiyo qaabka loo dajiyay miisaaniyadda.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa geli doona fasax muddo bil ah, kaddib markii bishoodii kale ee fasaxa ahayd ay yeelanayeen kulammda maanta la soo gabgabeynayo, kuwaasoo ay ku ansixiyeen hidise-sharciyeedyo kala duwan.

Kalfadhiyada baarlamaanka ayaa waxay dib u furi doonaan bisha September ee sannadkan, iyadoo ay weli horyaallaan hindise-sharciyeedyo  kala duwan oo qaarkood ay xasaasi yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya