4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2013
Askar Gadoodsan oo dad Rayid ah iyo Askari ka Tirsan Milateriga Somalia ku dilay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho

Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Ciidammo gadoodsan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa askari iyo saddex qof oo shacab ah ku toogtay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen milateriga Soomaaliya oo dhawaan loo bedelay inay ka mid noqdaan ciidanka booliis Somalia, iyagoo ka aroodeen markii loo diiday in la siiyo mushaarkii ay qaadan jireen xiligii ay milateriga ahaayeen, taasina ay keentay inay xiraan waddada hormarta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Muddo ayay ciidamadu xireen waddada, waxayna billaabeen inay rasaas furaan markii uu waddadaas soo maray gaari ay wateen ciidamada xoogga dalka, afar qof oo askari milateri ah uu ku jiro ayaana goobta ku dhintay,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa isgoyska Banaadir oo la hadlay warbaahinta.

Goobjoogaha ayaa  intaas ku daray in ciidamada dilka geystay ay markiibta goobta isaga tageen, iyadoo ay soo gaareen halkaas ciidammo booliis ah oo kale kuwaasoo furay isku socodka dadka iyo gaadiidka waddadaas.

Qaar ka mid ah ciidamadii gadoodka sameeyay ayaa iyagana waxaa lagu arkay xaafadaha Muqdisho qaarkood iyagoo koox-koox u socda, waxayna dadku baqdin ka muujiyeen ciidamadan gadoodsan.

Ma jiro hadal kasoo baxay wasaaradaha gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha oo ku saabsan askarta gadoodka sameeyay iyo dilalka ay geysteen, iyadoo falkan uu noqonayo mid ka mid ah falalka ay ciidamadu geystaan oo ka dhaca Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhawaan xukuumadda Soomaaliya ay meel-marisay miisaaniyad dheeraad ah oo ciidamada dowladda lagu daryeelayo, taasoo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya