4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2013
Qaraxyo khasaare geystay oo Saakay Waaberigii Hore ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho


Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Qaraxyo waaweyn ayaa saakay waaberigii hore ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdihso, kuwaas oo lagu xiray laba ka mid ah baallayaasha korontada ku shaqeeyaa ee jidkaas ku xiran.

Inta la xaqiijiyay laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawamay, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii waddadaas marayay markii  ay qaraxyadu dhacayeen, sidoo kalena waxay qaraxyadu dhulka la simeen laba baalle ee lagu xiray.

“Qarax weyn ayaa ka dhacay baallaha 25-aad ee jidka maka Al-mukaraha oo ku dhow jidka shaqaalaha, qarxaas kaddib waxaa qarax kale oo xooggan uu ka dhacay baallaha 49-aad ee isla waddada,” ayuu yiri goobjooge la hadlay HOL oo ku sugnaa jidkaas markii uu qaraxyadu dhacayeen.

Goobjooguhu wuxuu sheegay inuu arkay dhaawacyada laba qof oo rayid ah oo ku dhaawacmay qaraxyadan, iyadoo saraakiisha dowladda Soomaaliya lagu wado inay dhawaan ka hadlaan weerarradaas lagu bartilmaameedsaday baallayaasha ku shaqeeya cadceedda.

Weerarradan ayaa waxay noqonaysaa kuwii ugu horreeyay ee waddadaas ka dhaca oo ay muddo kooban u dhexeysay, iyadoo waddadan ay tahay midda ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho ayna ka howlgalaan ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso weerarradan, balse dowladda ayaa inta badan ku eedeysa weerarrada noocan oo kale ah Al-shabaab oo dagaal kula jirta.

Qaraxyadan miino ee lala beegsaday baallayaashan ku shaqeeya cadceedda ayaanay ahayn kuwii ugu horreeya oo lala beegsado baallayaashan iyadoo bishii lasoo dhaafay sidan oo kale loogu burburiyay qaraxyo saddex baalle oo ka mid ah kuwa ku yaalla jidka 30-ka ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya