3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2013
Xukuumadda Somalia oo weydiisatay Dowladda Liibiya in Xabsiyada dalkeeda ay kasii dayso Soomaalida ku xir-xiran


Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay weydiisatay dowladda Liibiya in xabsiyada dalkeeda ay kasii dayso maxaabiista Soomaalida ah ee ku xir-xiran, kaddib kulan dhexmaray wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Barroow iyo danjiraha Liibiya u fadhiya Soomaaliya, Daahir Siciid Cabdijaliil.

Danjire Daahir Siciid ayaa uga sheekeeyay wasiir ku-xigeenka xaaladda nololeed ee maxabiista Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada Liibiya, isagoo u sheegay inay isugu jiraan eedeysanayaal loo heysto fal dambiyeedyo kala duwan, kuwa u xiran arrimo siyaasadeed iyo kuwa si sharci-darro ah dalkaas ku galay.

“Liibiya waxay qorsheynaysaa inay casuumo wafdi ballaaran oo dowladda Soomaaliya ka socda si ay kormeerro ugu sameeyaan maxaabiista ku jira xabsiyada kala duwan ee Liibiya,” ayuu yiri dajire Daahir oo hadalkiisa ku daray inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista gacanta ugu jira.

Dr. Barroow oo isaguna hadlay ayaa muujiyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay raadinta xaqqa iyo ilaalinta sumcadda muwaadiniinteeda ku kala firirsan caalamka, isagoo ka codsaday dowladda Liibiya inay sii-dayso maxaabiista Soomaliyeed ee dalkeeda ku xabisan.

Tallaabadan ayaa daba-socota kulan madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha Liibya, Cali Zeydaani ku dhexmaray magaalada Doha ee dalka Qatar, kaasoo uu madaxweynuhu ku codsaday Liibiya inay dhowrto maxaabiista Soomaalida ah eek u jira xabsiyadfa dalkeeda, ayna sii dayso; dibna ugu soo celiso Soomaaliya.

Dalka Liibiya oo ka mid ah dalalka ku yaalla Waqooyiga Afrika ayaa wuxuu muddo sannado ah marin u ahaa tabriibayaasha Soomaalida ah ee doonaya inay galaan dalalka Yurub, waxaana badda u dhexeysa labadaas dal ku dhintay kumannaan Soomaali ah, halka xabsiyada dalkaasna ay ku jiraan boqolaal kale oo Soomaali ah.

Maxaabiista qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaato loogu geysto xabsiyada ay ku jiraan, waxaana maxaabiistan ay isugu jiraan rag iyo dumar dhallinyaro ah oo markii hore dalkaas u tagay inay si tahriib ahaan ah ay uga baxaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/9/2013 3:01 PM EST
(Daawo) Qaar Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera ,Cuqaal Odayaal Waxgarad Iyo Dadwaynaha Geella-Kor Ee Gobolka Saaxil Oo Baaq U Diray Xukuumada Joojiyay-na Koox Macdan Si Tuuga Ah U Guranaayay

4/9/2013 1:03 PM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyata oo ka hadalyay xafladda dhaarintiisa ayaa sheegay inay rabaan in mustaqbalka dhow ay arkaan Soomaaliya oo nabad ah, isagoo sheegy in nabadda Kenya iyo tan Bariga Afrika ay ku xiran tahay deggenaasho ka dhasha Soomaaliya.

4/9/2013 10:19 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee socdaalka ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Norway, iyagoo dhanka kalena booqday dhismaha baarlamaanka dalkaas.

4/9/2013 9:45 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Munaasabad siweyn loo soo agaasimaya oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baladweyne, mas’uuliyiinta hore ee maamulka gobollka Hiiraan, maamulka cusub ee loo soo magacaabay gobollka, saraakiisha ciidamada dowladda, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM, waxgarad, odayaal dhaqameed iyo marti-sharaf kale, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

4/9/2013 7:07 AM EST
Xaflad ay kasoo qayb-galeen in ka badan 11 madaxweyne oo ka socda qaarada Afrika ayaa lagu caleema saaray madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

4/9/2013 1:41 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa sheegay Isnintii shalay inuu go’aansaday inuu saanad ciidan uu siiyo dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo ciidamada Soomaaliya, isagoo sheegay in tani ay xoojinayso xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo dalka ku yaalla geeska Afrika.

4/9/2013 1:10 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Waxaa xalay fiidkii magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug lagu toogtey sarkaal ka tirsanaa wasaaradda amniga ee Puntland.Sarlkaalka la diley oo lagu magacaabi jirey Col. Axmed Maxamed Axmed ''Dhega-wayne'' , wuxuu ahaa isuduwaha xafiiska wasaaradda ee gobolka Mudug.

4/9/2013 1:08 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) —Kenya ayaa waxaa maanta loo dhaarinayaa madaxweynihii afaraad ee dalkaas soo mara, kaasoo ah wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay iyo aabbihii xorriyadda dalkaas, iyadoo lagu wado in caleemo-saarkiisa ay ka qaybgalaan madax afrikaan ah oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

4/9/2013 1:06 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Iyadoo ay todobaadyadii u danbeeyey ciidamada booliska ee Puntland ku raad joogeen koox dabley ah oo bishii lasoo dhaafay ee Maarso dabayaaqadeedii dhacay xawaaladda KAAH xarunteeda magaalada Boosaasoo, islamarkaana diley labo kamid ahaa shaqaalaheeda, ayaa shalay magaalada Gaalkacayo lagu qabtay nin kooxdaas ka tirsanaa.