4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway, soona booqday Baarlamaanka Dalkaas (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee socdaalka ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Norway, iyagoo dhanka kalena booqday dhismaha baarlamaanka dalkaas.

Kulankan dhexmaray Jawaari iyo iyo wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Norway halkaasoo markii ay tageen wafdiga ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiinta wasaaraddaas oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibadda, Espen Barth Eide.

Soo dhaweyn kaddib kulan dheer oo saacado qaatay ayay yeesheen labada mas’uul kaasoo ay kaga isbedellada ka jira Soomaaliya iyo sida ay dowladda Norway u sii wadi lahayd taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Prof. Jawaari iyo Espen Barth Eide oo kulanka kaddib si wadajir ah ula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in xukuumadda Norway ay aad ugu faraxsan tahay isla markaana ay taageerayso isbedelka ka jira Somalia, waxaana uu wasiirku ballan-qaaday inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ugu horreyn dowladda Norway uga mahad-celiyey soo dhaweynta heerka sare ah ee ay u sameeyeen wafdiga uu hoggaaminayay iyo sida ay u taageereen shacbiga Soomaaliyeed intii uu dalku ka jiray bur-burka iyo sida ay hadda u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya; wuxuuna ku tilmaamay kulankii maanta inuu ahaa mid muhiim ah.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa xalay casho sharaf u sameeyey wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka; iyadoo sidoo kalena uu guddoomiyaha iyo wafdigiisa ay maanta tageen xarunta baarlamaanka dalkaas; waxaana wafdiga guddoomiyaha uu caawa la kulmi doonaa jaalliyadda Soomaaliyeed ee Norway ku nool.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya