1/18/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2013
Mareykanka oo Saanad Milateri ugu deeqay Dowladda Somalia si loo Adkeeyo Awoodda Ciidamada Soomaaliya


Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa sheegay Isnintii shalay inuu go’aansaday inuu saanad ciidan uu siiyo dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo ciidamada Soomaaliya, isagoo sheegay in tani ay xoojinayso xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo dalka ku yaalla geeska Afrika.

Qoraal uu Obama u diray xoghayihiisa arrimaha dibadda, John Kerry ayuu ku sheegay inuu go’aansaday inuu saanad ciidan oo uu hub ku jiro u diro Soomaaliya, isagoo sheegay in taasi ay xoojinayso ammaanka Mareykanka iyo midka dunida oo dhan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maryekanka ayaa sheegay in xilligan aysan habboonayn in Soomaaliya hub loo diro, balse ay ahayd in tallaabadan la qaado mustaqbalka, balse ma uusan muujin wax diidmo ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay dalka ka saarto colaado soo jiray muddo 22-sano ah, iyadoo dowladdan ay noqonayso tii ugu horreysay oo rasmi ah oo ay yeelato Soomaaliya, waxaana Mareykanku uu noqday dalkii ugu horreysay oo aqoonsada dowladda cusub ee Soomaaliya.

“Mareykanka wuxuu go’aansaday inuu si qoto-dheer uga caawiyo Somalia dhismaha ciidamada, si ay dalkooda u difaacaan una noqdaan kuwo aqoon ciidannimo leh,” ayay tiri afhayeenadda golaha ammaanka Qaranka Mareykanka, Caitlin Hayden.

Soomaaliya ayaa waxaa si tartiib-tartiib ah ugu soo laabanaya ammaanka tan iyo markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya ee AMISOM ay ku guuleysteen inay Muqdisho oo dhan ka saaraan kooxda Al-shabaab. Balse Al-shabaab uma muuqato koox laga adkaaday, waxaana weli Mareykanka walaac ku haya hanjabaado kaga imaanaya Al-shabaab.

“Go’aanka Obama ma ahan mid ku yimid hanjbaad cusub oo Marekanka uga timid Soomaaliya,” ayuu yiri sarkaal sare oo Mareykan ah kaasoo diiday inuu sheego magaciisa, maadaama aan loo ogoleyn inuu arrintan ka hadlo.

Mareykanka ayaa taageero dhaqaale iyo tababar siiya ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomalaiya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, isagoo ku bixiyay lacag ka badan 133-milyan oo doollar. Iyadoo go’aankan uu muujinayo inuu Obama doonayo inuu xiriir milateri la sameeyo Soomaaliya oo uu rumeysan yahay inay Al-Qaacida weli awood badan ku leedahay.

Saanadda milateri ee Mareykanku uu siinayo Soomaaliya ayaa waxaa ku jira hub ay ka mid yihiin gantaallada lagu burburiyo taangiyada, hubka fudud iyo kuwo u fududeynaya ciidamada dowladda inay meelo fog ka dagaalamaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii hore sheegay in labada bilood ee soo socota uu Soomaaliya soo gaarayo hubkii ugu horreeyay si awoodda ciidamada loo xoojiyo, dalkana looga saaro xoogagga Al-shabaab ee ka horjeeda dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya







Click here
4/9/2013 3:01 PM EST
(Daawo) Qaar Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera ,Cuqaal Odayaal Waxgarad Iyo Dadwaynaha Geella-Kor Ee Gobolka Saaxil Oo Baaq U Diray Xukuumada Joojiyay-na Koox Macdan Si Tuuga Ah U Guranaayay

4/9/2013 1:03 PM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyata oo ka hadalyay xafladda dhaarintiisa ayaa sheegay inay rabaan in mustaqbalka dhow ay arkaan Soomaaliya oo nabad ah, isagoo sheegy in nabadda Kenya iyo tan Bariga Afrika ay ku xiran tahay deggenaasho ka dhasha Soomaaliya.

4/9/2013 1:01 PM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay weydiisatay dowladda Liibiya in xabsiyada dalkeeda ay kasii dayso maxaabiista Soomaalida ah ee ku xir-xiran, kaddib kulan dhexmaray wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Barroow iyo danjiraha Liibiya u fadhiya Soomaaliya, Daahir Siciid Cabdijaliil.

4/9/2013 10:19 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee socdaalka ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Norway, iyagoo dhanka kalena booqday dhismaha baarlamaanka dalkaas.

4/9/2013 9:45 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Munaasabad siweyn loo soo agaasimaya oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baladweyne, mas’uuliyiinta hore ee maamulka gobollka Hiiraan, maamulka cusub ee loo soo magacaabay gobollka, saraakiisha ciidamada dowladda, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM, waxgarad, odayaal dhaqameed iyo marti-sharaf kale, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

4/9/2013 7:07 AM EST
Xaflad ay kasoo qayb-galeen in ka badan 11 madaxweyne oo ka socda qaarada Afrika ayaa lagu caleema saaray madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

4/9/2013 1:10 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Waxaa xalay fiidkii magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug lagu toogtey sarkaal ka tirsanaa wasaaradda amniga ee Puntland.Sarlkaalka la diley oo lagu magacaabi jirey Col. Axmed Maxamed Axmed ''Dhega-wayne'' , wuxuu ahaa isuduwaha xafiiska wasaaradda ee gobolka Mudug.

4/9/2013 1:08 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) —Kenya ayaa waxaa maanta loo dhaarinayaa madaxweynihii afaraad ee dalkaas soo mara, kaasoo ah wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay iyo aabbihii xorriyadda dalkaas, iyadoo lagu wado in caleemo-saarkiisa ay ka qaybgalaan madax afrikaan ah oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

4/9/2013 1:06 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Iyadoo ay todobaadyadii u danbeeyey ciidamada booliska ee Puntland ku raad joogeen koox dabley ah oo bishii lasoo dhaafay ee Maarso dabayaaqadeedii dhacay xawaaladda KAAH xarunteeda magaalada Boosaasoo, islamarkaana diley labo kamid ahaa shaqaalaheeda, ayaa shalay magaalada Gaalkacayo lagu qabtay nin kooxdaas ka tirsanaa.