3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2013
Dableey hubeysan oo xalay sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Amniga Puntland ku Toogtay Magaalada Gaalkacyo

Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Waxaa xalay fiidkii magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug lagu toogtey sarkaal ka tirsanaa wasaaradda amniga ee Puntland.Sarlkaalka la diley oo lagu magacaabi jirey Col. Axmed Maxamed Axmed ''Dhega-wayne'' , wuxuu ahaa isuduwaha xafiiska wasaaradda ee gobolka Mudug.

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa ah Cagaar-weyne oo ka tirsan xaafadda Garsoor, waxaana Col. "Dhega-weyne"  la toogtey waxyar kaddib markii uu kasoo baxay masjid aagaas ku yaal oo uu salaaddii makhribka kusoo tukadey.Dad goobta ka agdhowaa xilliiguu uu dilku dhacay, ayaa war-baahinta u sheegay in sarlkaalka geeriyoodey uu dhowr xabbadood ku dhuftay nin baaskoolad ku hubeysnaa, kaas oo durbadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada booliska oo daqiiqado kadib halka uu dilku ka dhacay baaritaan muddo kooban socdey ka sameeyey, ayaan ku guuleysan in ay falkaas cidna usoo qabtaan.Dhinaca kal gudoomiyaha gobolka Mudug oo dilka kadib war-baahinta la hadlay ayaa sheegay in cid walba oo isku dayda in ay ammaanka wax u dhinto gacan bir ah lagu qaban doono.

Wuxuuna dhinaca kale dadweynaha ku eedeeyey in ay yihiin kuwo aan si wanaagsan ula shaqeyn laamaha ammaanka, maadaama aysan gacan ka geysan soo qabashada iyo daba galka dadka magaalada dhexdeeda wax ku dila, isagoo ceeb ku tilmaamay in iyada oo loo jeedo uu gacan ku dhiigluhu si fudud ku baxsado.

Ammaanka magaalada Gaalkacayo - dhinaca uu ka arimiyo maamulka Puntland- ayaa ahaa bilihii u danbeeyey mid aad u wanaagsan, waxaana xusid mudan in xaafadda Garsoor ay horay uga dheceen dilal badan, kuwaasoo intooda badan lala bar-tilmaameedsaday saraakiil maamulka Puntland xilal ka hayey iyo kuwo horay uga soo qabtay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
4/9/2013 3:01 PM EST
(Daawo) Qaar Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera ,Cuqaal Odayaal Waxgarad Iyo Dadwaynaha Geella-Kor Ee Gobolka Saaxil Oo Baaq U Diray Xukuumada Joojiyay-na Koox Macdan Si Tuuga Ah U Guranaayay

4/9/2013 1:03 PM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyata oo ka hadalyay xafladda dhaarintiisa ayaa sheegay inay rabaan in mustaqbalka dhow ay arkaan Soomaaliya oo nabad ah, isagoo sheegy in nabadda Kenya iyo tan Bariga Afrika ay ku xiran tahay deggenaasho ka dhasha Soomaaliya.

4/9/2013 1:01 PM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay weydiisatay dowladda Liibiya in xabsiyada dalkeeda ay kasii dayso maxaabiista Soomaalida ah ee ku xir-xiran, kaddib kulan dhexmaray wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Barroow iyo danjiraha Liibiya u fadhiya Soomaaliya, Daahir Siciid Cabdijaliil.

4/9/2013 10:19 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee socdaalka ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Norway, iyagoo dhanka kalena booqday dhismaha baarlamaanka dalkaas.

4/9/2013 9:45 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Munaasabad siweyn loo soo agaasimaya oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baladweyne, mas’uuliyiinta hore ee maamulka gobollka Hiiraan, maamulka cusub ee loo soo magacaabay gobollka, saraakiisha ciidamada dowladda, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM, waxgarad, odayaal dhaqameed iyo marti-sharaf kale, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

4/9/2013 7:07 AM EST
Xaflad ay kasoo qayb-galeen in ka badan 11 madaxweyne oo ka socda qaarada Afrika ayaa lagu caleema saaray madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

4/9/2013 1:41 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa sheegay Isnintii shalay inuu go’aansaday inuu saanad ciidan uu siiyo dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo ciidamada Soomaaliya, isagoo sheegay in tani ay xoojinayso xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo dalka ku yaalla geeska Afrika.

4/9/2013 1:08 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) —Kenya ayaa waxaa maanta loo dhaarinayaa madaxweynihii afaraad ee dalkaas soo mara, kaasoo ah wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay iyo aabbihii xorriyadda dalkaas, iyadoo lagu wado in caleemo-saarkiisa ay ka qaybgalaan madax afrikaan ah oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

4/9/2013 1:06 AM EST
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Iyadoo ay todobaadyadii u danbeeyey ciidamada booliska ee Puntland ku raad joogeen koox dabley ah oo bishii lasoo dhaafay ee Maarso dabayaaqadeedii dhacay xawaaladda KAAH xarunteeda magaalada Boosaasoo, islamarkaana diley labo kamid ahaa shaqaalaheeda, ayaa shalay magaalada Gaalkacayo lagu qabtay nin kooxdaas ka tirsanaa.