4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2013
Ciidamada Booliiska Puntland oo Magaalada Gaalkacyo ku Qabtay Mid ka Mid ah Dableydii Dhacday Xarunta KAAH

Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Iyadoo ay todobaadyadii u danbeeyey ciidamada booliska ee Puntland ku raad joogeen koox dabley ah oo bishii lasoo dhaafay ee Maarso dabayaaqadeedii dhacay xawaaladda KAAH xarunteeda magaalada Boosaasoo, islamarkaana diley labo kamid ahaa shaqaalaheeda, ayaa shalay magaalada Gaalkacayo lagu qabtay nin kooxdaas ka tirsanaa.

Howlgal ay shalay ciidamada booliska ee degmada Gaalkacayo ka sameeyeen xaafadda Garsoor, ayey kusoo qabteen Farxaan Cabdulqaadir Dabliq, oo isaga la sheegay in uu ahaa madaxa kooxdii weerartay xarunta shirkadda KAAH ee Boosaaso.

Rasaas qaddar daqiiqado ah socotey ayaa dhex martay ninka ay Boolisku mudada ku raadjoogeen iyo weliba ciidamadii loo diray in ay soo qabtaan, kadib markii uu iska caabin xooggan kala horyimid.

Rasaasta ay labada dhinac isweydaarsadeen ayaa waxaa ku dhaawacmay labo askari, waxaana ugu danbeyntii lagu guuleystey in gacanta lagusoo dhigo eedeysane Farxaan Cabdulqaadir Dabliq.

Maamulka degmada Gaalkacayo iyo guud ahaan bulshada gobolka Mudug ayaa qabashada ninkan si weyn usoo dhoweeyey, waxaana duqa Gaalkacayo Axmed Cali Salaad uu hanbalyo u diray booliska, isagoo sheegay in ay shaqo wanaagsan qabteen.

Horay waxaa magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe loogu qabtay saddex nin oo lagu kala magacaabo Barre Maxamuud Cali Xuseen, Mahad Cumar Bulxan iyo C/qaadir Xasan Ciise, kuwaas oo dhamaantood la sheegay in ay ka tirsanaayeen dableydii weeraray xarunta KAAH.

Bishii hore ee Maarso 27, ayey ahayd markii ay koox dabley ahi xoog ku galeen xarunta shirkadda xawilaadda lacagaha ee KAAH, iyagoo diley labo qof oo uu midkood waardiye ahaa, islamarkaana dhacay lacag lagu qiyaasay ($20,000) labaatan kun oo doollar.

Dhacdadan ayaa ahayd mid ugub ku ah dhegaha bulshada ku dhaqan deegaanada Puntland, waxaana qabashada raggii falkaas ku lug lahaa si weyn usoo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya