4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2013
Ammaanka Magaalada Baydhabo oo faraha ka baxay iyo ciidamada Dowladda oo billaabay inay dhacaan dadweynaha

Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Waxaa faraha ka baxay amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka, iyadoo lagu arkayo xilliga salaadda maqribka iyo salaadda cishaha in waddooyinka qaar sida waddada Masaajidka shariif gacamey iyo waddada aadda xaafada Mursal ay isbaaro u taallo qaar ka mid ah ciidamada xooga dalka.

Dadweynaha ayaa si aad uga cabanaya in ciidamadu ay ka qaateen agabkii ay wateen sida taleefoonnada gacanta ee Moobeellada, saacadaha iyo wixii lacag ah oo ay markaas wataan.

Ciidamada falalkan sameynaya waa kuwo in mudo ah ku soo qul-qulayay magaalada iyagoo ka cabanayay dhaqaalo la’aan iyo inaan la siin mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Qaar ka mid ah ciidamadan ayaa dhawaan dhacay gaarigii uu lahaa taliyihii madaxda u ahaa, Col. Xaaji Cali Aadan, inkastoo lagu guuleystay inay dib uga soo celiyaan waxgaradka gobolka Bay.

Ganacsade lagu magacaabo, Maxamed Nuur Cali ayaa sheegay in habeenkii xalay ahaa ay ciidammo ka tirsan kuw dowladdu u soo galeen gurigisa ayna garaceen, iyagoo markii dambena ka qaatay hanti isugu jirta lacag iyo dhowr taleefoon oo kuwa gacanta ah, iyadoo ganacsadaha jirkiisa ay ka muuqdeen nabarradii ay u geysteen.

Maalinta Berito ah oo ku beegan Axad ayaa lagu wadaa in aas qaran loogu sameeyo Baydhabo hoggaamiyihii jabhaddii RRA, Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaati-gaduud) oo dhawaan ku dhintay isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka oo xanuun awgiis loo dhigay, iyadoo qabanqaabada aaskiisa si weyn looga dareemayo magalada Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo