4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2013
Iskahorimaad Khasaare Geystay oo Ciidammo kawada Tirsan kuwa Dowaldda Somalia ku Dhexmaray Degmada Dayniile

Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Hal askari ayaa dhintay, afar kale oo laba ka mid ah ay yihiin askartii dagaalamay ayaa ku dhaawacmay dagaal ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray xaafadda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dagaalka dhexmaray ciidamadan ayaa ka dhashay muran soo dhexgalay laba ciidan oo mid ka mid ah ay jidgooyo u taallay xaafaddaas iyo ciidammo kale oo halkaas dhawaan la geeyay, iyadoo dagaalka ay joojiyeen ciidammo booliis ah oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in laba qof oo ka mid ah dadka deegaanka ay ku dhaawacmeen iskahorimaadkaas, welina ay labadii ciidan isku hor-fahiyaan halkiii ay ku dagaalameen lagana baqdin qabo inay mar kale dagaalamaan.

Ma jiro mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka dhex-maray ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo dagaalkan uu ka mid noqonayo dagaallada soo laalaabtay ee ciidamada dowladda ku dhexmara Muqdisho.

Ciidamada cusub ee la geeyay xaafadda Ciise Cabdi ayaa la sheegay inay yihiin kuwo ay dowladdu ugu talogashay inay ammaanka xoojiso, maadaama ay xaafadahaas ka mid tahay xaafadaha ay inta badan amni-darradu ka dhacdo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku firirsan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo mararka qaarkood ay dhexmaraan iska-horimaadyo, kuwaasoo ku yimaadaam is-maandhaaf soo dhexgala.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya