4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2013
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo la Wareegay Deegaanno cusub oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose

Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo iskaashanaya ayaa maanta la wareegay deegaanno cusub oo ka tisran gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo ay gacanta ku haysay Al-shabaab, iyadoo tallaabadan lagu macneeyay in lagu adkeynayo ammaanka goobo ay horay u qabsadeen.

Deegaannada ay ciidamada isbahaysanaya qabsadeen ayaa waxaa ka mid ah: Daarusalaam, Mareere iyo Mubaarak oo dhamaantood ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay sheegeen inay weerarro kaga soo qaadi jireen.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay maanta la wareegeen goobo cusub oo ka tisran gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo Al-shabaab ay kasoo qaadi jireen weerarrada,” ayuu yiri mas’uul ka tisran gobolka Shabeellada Hoose oo saxaafadda la hadlay.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada ay ciidamada isbahaysanaya la wareegeen ayaa iyaguna sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay caawa ku sugan yihiin deegaannadaas ayna xaaladdu degen tahay.

Dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo Al-shabaaba ayaan ka hadlin goobaha ay ciidamada huwanta ah la wareegeen marka laga reebo mas’uulka ka tirsan gobolka oo saxaafadda u xaqiijiyay la wareegista gobahaas.

Bil ka hor ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay si nabadgalyo ah kula wareegeen degmooyinka Jannaale, Bariire iyo Awdheegle oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Gobolka Shabeellada hoose ayaa ah gobolka ay dagaallada ugu culus ku dhexmareen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah xoogagga Al-shabaab, iyadoo gobolkaas uu u muuqdo hadda inuu u qaybsan yahay labada dhinac ee is-haya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya