4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2013
Hay’adda isku-xirka iyo Hurumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN oo Tartan Isboorti ku xustay Maalinta Miinada Adduunka (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Dunida oo dhan waxaa laga xusay maalinta Miinada Adduunka , waxaana xus ku saabsan maalinkaas qabtay hay’adda horumarinta iyo isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN oo gacan ka helaysay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNICEF, iyadoo uga qayb-gashay xuska sannadkan tartan isboorti oo uu qaban-qaabadiisa uu lahaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta. Waxaana mushruucan loogu magac-daray ‘Waxbarashada Khatarta Miinada’.

Ciyaar lagu xusayay maalintan ayaa waxay ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Jaamacadaha, iyadoo koob ay ku tartamayeen kooxo ku ciyaarayay magacyada SIGNJED iyo CITY PALACE Hotel, waxaana intii ay ciyaartu socotay lagu daadiyay garoonka gudihiisa waraaqo ay ku qornaayeen fariimo  ka hadlaya khatarta miinadu u leedahay bulshada; iyadoo koobkii la dhigay ay ku guuleysatay kooxdii ku ciyaaraysay hoteelka CITY PALACE iyadoo uga badisay kooxdii kale ee SIGNJED 3-1.

Dadweyne fara badan ayaa ciyaartan kasoo qaybgalya kuwasoo ay ka mid ahaayeen taageerayaasha labada kooxood, waxaa kaloo garoonka ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda SOYDEN iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta C/llaahi Gacal Abkoow iyo xoghayaha xiriirka, Cabdiqani Saciid Carab ayaa goobta ka hadlay iyagoo ugu horreyn u mahadceliyay hay’adda SOYDEN oo koobka soo qabanqaabisay waxayna sheegeen ina ytahay hay’ad doonaysa in bulshada ku baraarujiso khatarta ay leedahay Miinada.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay, Maxamuud Maxamed Calasow (Jaani-dheere)  oo ka socday Hay’adda SOYDEN, isagoo si aad ah ugu dheeraaday khatarta Miinada u leedahay Bulshada; wuxuuna u soo jeediyay bulshada in ay iska ilaaliyaan khatarta Miinada, isagoo u mahadceliyay hay’adda UNICEF oo uu sheegay inay kala qayb-qaadatay barnaamijkan fulintiisa.

Ugu dambeyn, kooxdii koobbka ku guuleysatay ee CITY PLACE HOTEL ayaa waxaa koobka guddoonsiiyay, xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (DAALLO) oo ka mid ahaa xubnihii koobkan ka qaybgalay soo qabanqaabiyay.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya