4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Munaasabadda 1-da May awgeed u diray Hambalyo Dhamaan Shaqalaaha Soomaaliyeed


Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid) ayaa munaasabada maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da May, 2013 oo berri ku aaddan wuxuu hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aaddan maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da May awgeed u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah shaqada iyo horumarka guud ee dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaarahaha.

Mudane Saacid ayaa tibaaxay qiimaha weyn ee ay ummadda u leedahay shaqada iyo wax-soo-saarka shaqaalaha, dowladduna ay siinayso ahmiyad weyn in munaasaddan shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku xusaan dabaal-dagyo ka turjumaya dareenkooda si ay u muujiyaan muhiimadda shaqada iyo shaqaalaha.

“Shaqadu waa nolosha iyo sumacadda qofka, waa furaha hurumarka dadka bani’aadamka ah meel walba oo uu joogo. Horumarka bulsho kasta wuxuu ku xiran yahay hadba sida ay u shaqeeyan dadkeeda, taas waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan. Haddii aanay shaqo jirin horumar iyo mustaqbal ma jiri karo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya ugu jirto inay abuurto shaqooyin, iyadoo laga faa’iidaysanayo xoogga shaqaalaha diyaarka ah. Wuxuuna tilmaamay baahida loo qabo aqoon-yahanka iyo xir-fadleyaasha Soomaaliyeed; isagoo ummadda ku baraarujiyay in kordhiyaan aqoontooda ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xilligan loo baahan yahay.

“Soomaaliyada cusub waxay u baahan tahay xoog iyo xirfad shaqo kuwaas oo dabooli kara baahida shaqaale ee sii kordhaysa; ummadda Soomaaliyeed waxaan kula dar-daarmayaa inay kordhiyaan aqoontooda iyo xirfadooda si ay ugu sahlanaato inay helaan shaqooyinka ka abuurmaya dalka gudihiisa,” ayuu mar kale yiri mudane Saacid.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Saacid ayaa dhanka kale xusay inuusan shaki ugu jirin in dalku galayo marxalad cusub oo xambaarsan koboc dhaqaale iyo horumar dhinac walba ah.

Maalinta berri ah oo ku beegan 1-da May ayaa waxay ku beegan tahay maalinta loo asteeyay xuska shaqaalaha adduunka, waxaana xukuumaddu ay maanta fasaxday dhammaan shaqaalaheeda si ay ula ciidaan caruurta iyo qoysaskooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya