4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2013
Hay'adda Tamarta Bariga Afrika oo Muqdisho kaga dhawaaqay in kulliyadda Injiyiiriya ay ka furayaan Soomaaliya (SAWIRRO)


Talaado, April 30, 2013(HOL)—Ururka Tamarta Bariga Afrika oo Kulliyaddii ugu ballaarneyd oo Injineernimo laga barto ka hirgelineysa Soomaaliya Kulliyado lagu barto cilmiga Injineeriyada.

Ururka Tamarta Bariga Afrika ayaa manta kaga dhawaaqay Magaalada Muqdisho in Ururka uu Muqdisho ka dhisayo kulliyado lagu barto cilmiga Injineeriyada, iyadoo uu hiigsanayo in Ururka uu soo saaro 100 sanadka 2017.

Meel-marinta qorshahan waxbarasho ayay Ururka Tamarta Bariga Afrika iska kaashanayaan Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah Jaamacadaha waa weyn ee magaalada Muqdisho ka howlgala kuwaasi oo soo saara Aqoonyahanno badan oo dalka Soomaaliya gudahiisa wax ku bartay.

Ururka Tamarta Bariga Afrika (The East African Energy Forum) oo ka kooban khubarro bartay cilmiga Injineeriyadda iyo Kheyraadka dabiiciga ah ayaa barnaamijkan  kaga hor dhawaaqay in ka badan 250 arday oo ku sugnaa xarunta ay Jaamacadda Banaadir ku leedahay Magaalada Muqdisho.


“Halkan waxaan u nimid in aan ku dhawaaqno maalgelinta mustaqbalkeena iyo midka ardayda dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed, kuwaasi oo aan dooneyno in aan u sahalno in ay gudaha Soomaaliya ku helaan waxbarasho la mid ah tan helaan ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka horumaray, wuxuuna mashruucan dhammaan doonaa haddii Alle idmo bisha September ee sanadka 2017” ayuu Cabdullaahi Maxamuud oo ah Agaasimaha Ururka Tamarta Baniga Afrika.

Ku dhawaaqista mashruucan ee Ururkan ayaa imaaneysa iyadoo indhaha beesha caalamka ay u soo jeesteen kheyraadka dabiiciga ah ee aan weli la taaban ee Soomaaliya, haddii uu ahaan lahaa Kalluumeysiga, Shidaalka iyo Macdanta, wuxuuna ururku walaac ka muujiyay danaha ay beesha caalamka ka leedahay Soomaaliya.

Ururku wuxuu sheegay in uu isu xilsaarayo in uu la dagaallamo, isla markaana uu xiro albaabbada musuqmaasuqa iyo weliba maareyn-xummada, si loo ilaaliyo kheyraadka dalka Soomaaliya, looguna tababarro dadkiisa in ay la soo baxaan oo ay iyagu manaafacaadsadaan. Waxaa socdaalka xubnaha ururka qeyb ka ah in ay la kulmaan oo ay doodo la yeeshaan baarlamaanka Soomaaliya iyo wasaarado muhiim ah oo Xukuumadda Soomaaliya ka tirsan, kuwaasi oo hordhigayaan qorshe dhiirigelinaya in la sameeyo shuruuc macno leh oo qarannimo ku dhisan, kuwaasi oo keenaya mustaqbalka dhow in kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya loo  isticmaalo in looga faa’iideeyo dalka oo dhan.


Agaasimaha Ururka Tamarta Bariga Afrika Cabdullaahi Maxamuud wuxuu rummeysan yahay in la gaaray waqtigii ay dadka Soomaaliyeed aayahooda ka tashan lahaayeen, ayna bedeli lahaayeen waddankooda, halkii ay Dowladda ka sugi lahaayeen in ay qabato howlaha muhiimka ah ee uu dalka u baahan yahay.

“Waddankan wuxuu u baahan yahay aragti dheer , kheyraadka dalka soomaaliyeedna waxaa leh dadkiisa, taas ayaana had iyo jeer dooneynaa in aan taageerno , innaga oo u aragna in ay tahay danta qaranka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdullaahi Maxamuud Agaasimaha Ururka Tamarta Bariga Afrika.






Hiiraan Online News Desk