4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2013
Shir looga Hadlayay Xoojinta Xidhiidhka Iskaashi ee Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya oo lagu Qabatay Hargeysa

Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Shir lagaga hadlayo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey ka socday magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Shirkan ayaa wax ka soo qaybgalay Agaaasimeyaal iyo maareeyaal ka socda dawladda Fadaraalka Itoobiya iyo dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya iyo dhigoodda Somaliland kuwaas oo ka wada hadlayey sidii loo adkayn lahaa, isla markaana loo horumarin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labadda dhinac iyo sidii loo fududeyn lahaa ganacsiga iyo isku socodka xaga xuduudaha .

Shirkan ayaa waxa lagu qiimaynayey shirar ka horeeyey oo ka dhacay magaaladda Diridhaba ee Itoobiya, kuwaas oo kala saxeexday heshiishyo ay labadda dhinac ku wada shaqayn laaheeyeen, isla markaana iska kaashan lahaayeen ganacsiga iyo nabadgalyadaba.

Shirkan ayaa maanta la soo gabogabeeyey, waxaana lagu heshiiyey inay labadda dhinacba la wada dagaalamaan wixii kontorabaan ah iyo in labadda dhinac ganacsiga iyo isku socodka fududeeyaan, isla markaana Itoobiya alaabta uga soo dejin lahayd dekadda Berbera.

Wafdigan ka socday dalka Itoobiya, ayaa ka kooban 12-xubnood, waxaanay ka kala socdaan wasaaradaha: Arimaha dibadda, Ganacsiga, Maaliyadda, Gaadiidka, Wadooyinka,wax-barashada,biyaha, Hay’adda arrimaha dekadaha ee itoobiya iyo masuuliyiin ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halka Masuuliyiinta Somaliland ee shirkaasi ka qaybgashayna ka kala socdeen Wasaaradaha Howlaha-guud, wax-barashada, Maaliyada, Dekedda Berbera, iyo Baanka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu shirkani daba socday shir hore uga dhacay magaalada Diri-dhabe ee dalka Itoobiya, kuwaas oo soo saaray heshiish iskaashi oo  dhinacyada,Nabadgelyada, Isu socodka Ganacsiga iyo kor-u-qaadka dhaqaalaha labada wadan, iyo sidii ay dawladda itoobiya ay wax ugala soo degi lahayd Dekedda berbera ku heshiiyey.

Shirkan ayaa la sheegay inay labadda dhinac marka ay muddo joogaana dib u qiimayn doonaan qaabkay heshiiskaasi u socdo iyo wixii lagu kordhin karo in shirar dambe la iskugu yimaado.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland