4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Ankara kula Kulmay Dhiggiisa iyo Madaxweynaha Turkiga (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay Isniintii shalay ahayd dhiggiisa iyo sidoo kale madaxweynaha Turkiga, iyadoo guddoomiyuhu uu booqday goobo ku yaalla magaalada Ankara ee xarunta Turkiga.

Kulammada ka hor ayaa guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa waxay booqdeen qabriga uu ku aasanyahay madaxweynihii hore ee dalka Turkiga, Mustafa Kamaal Ataturk halkaasoo uu guddoomiyuhu dhigay ubax.

Prof. Jawaari iyo wafdigiisa ayaa kormeer ku tageen dhismaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara iyadoo guddoomiyaha iyo wafdigiisa ay warbixinno ka dhagesyteen howlwadeennada safaaradda oo uu horkacayay safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Jawaari  ayaa aad u ammaanay qaabka ay u shaqeyso safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga; wuxuuna ku boorriyay mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada safaaradda inay howlahooda u gutaan si hagar la’aaneed ee ay ugu adeegayaan Soomaalida ay wakiilka u yihiin.

Intaasi kaddib, guddoomiyaha Jawaari ayaa tagay xarunta baarlamaanka Turkiga oo ku taala magaalada Ankara; wuxuuna kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dhismaha baarlamaanka; iyadoo guddoomiyuhu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalkan Turkiga oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo sidii ay wada-shaqeyn joogta ah u dhex-mari lahayd baarlamaanka Soomaaliya iyo midka Turkiga.

Kulankaasi labada guddoomiye kaddib waxaa wafdiga guddoomiyaha loogu sameeyay qado sharaf xarunta baarlamaanka iyadoo qado sharaftaas ay ka qaybgaleen xildhibaannada baarlamaannada labada dal.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ayaa booqday xarunta wasaaradaha Turkiga halkaasoo uu kula kulmay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas, Bakir Bozdag oo dowladda Turkiga u qaabilsan la socodka howlaha ay hay’adaha samafalka Turkigu ka wadaan Soomaaliya; waxaana Jawaari uu aad u ammaanay sida hagar la’aaneed ee ay walaalaha Turkigu u garab taagan yihiin shacbiga iyo dolwadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa madaxtooyada Turkiga kula kulmay madaxweynaha dalkaas, Cabdalla Guul iyagoo kawada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa waxaana kulankaasi oo qaatay muddo saacado ah ay labada dhinac isku afgarteen in la sii xoojiyo cilaaqaadka iyo wadashaqeynta ay dowladda federaalka Soomaaliya la leedahay walaalaha Turkiga.












Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya