4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
SIILAANYO: “Maanta Dunida waxaynu u Dhoofinaa Xoolo nool, Balse waxaynu kari karnaa inaynu dhoofinno Kalluunka”


Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta dhagax dhigay dhismayaal cusub oo kala duwan oo laga hirgalinayo degmada Axmed dhagax ee Magaalada Hargeysa.

Madaxwaynuhu dhismayaasha uu dhagax dhigay waxa ka mid ah saddex sariimadood, saldhig boolis, dugsi waxbarasho iyo masaajid laga hirgaliyey xaafadda Axmed Dhagax, waxaana dhamaan kharashkeedda bixiyey xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa kale oo uu xadhiga ka jaray dhisme weyn oo ay dhisatay wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda oo iyana laga hirgaliyey xaafaddaasi, waxaana munaasibadda xadhiga lagaga jarayey ka soo qaybgalay wasiirro, xildhibaano, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale oo badan.

“Marka laga yimaado wasaaradda Maaliyadda iyo ganacsiga, waxay wasaaradda Kalluumaysigu noqotay  sanadkii labaad wasaaradda ugu dakhliga badan wasaaradaha ”ayuu yidhi wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel jire), waxaanu intaas ku daray “ Badeenu waxa ay u baahan tahay ilaalin, wadanka Yeman waxa uu noqday wadanka koowaad ee caalamka kaluunka iib geeya, waxa uu tuhun wayni naga haystaa in dalkaasi uu xado kaluunkeena, waxa aan soo jeedinaynaa hay’adaha aanu xidhiidhka wanaagsan leenahay in ay nagala shaqeeyaan sidii ay noola ilaalin lahaayeen baddaheena”.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo, ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto khayraadka ka buuxda badda iyo kalluunka, isla markaana dadweynaha la baro sida looga manaafacaadsado khayraadka Badda.

“Kalluunku wuxuu ka mid yahay nimcooyin uu alle inagu manaystay, maanta dunida waxa aynu u dhoofinaa xoolo nool, laakiin haddii aynu soo jeedsano waxa aynu kari  karnaa in aynu dunida u dhoofino, waxa aynu u baahanahay in aynu kalluunka  cilmigiisa iyo aqoontiisa aynu barano”ayuu yidhi madaxweyne Siillaanyo.

“Aad baan ugu hambalyaynayaa wasiirka iyo wasaaradiisaba dhismahan quruxda badan, markaa waxa aan u soo jeedinayaa in aynu kaluunka ka dhigno meel caalamka looga dhoofiyo”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kale, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici), ayaa isna Hay’adda IFAD, kala wareegay 15 gaadhi oo ay ugu deeqday Wasaaradaha Beeraha, Caafmaadka iyo Xanaanada xoolaha, kuwaasi oo loogu tallo-galay inay fududeeyaan hawlahooda shaqo ee ay qaranka u hayaan.

Gaadiidkan ayaa iskugu jiray TOYOTA Landcruser iyo Ambulance, waxa wasaaradda Beeraha loogu deeqay lix gaadhi, halka Wasaarada caafimaadka laga guddoonsiiyay 5 ambalaas iyo afar gaadhi oo la siiyay Wasaarada Xanaanada xoolaha Somaliland.

“Maanta waa la helayaa gawaadhida iyo wax kasta, laakiin waa in aynu ilaashanaa, maadaama oo ay jirto inaynaan ilaashan qalabka qaarkood oo ay dad masuul aan ahayn inta aynu u dhiibno ay iska kaxaystaan oo gawaadhidaasi burburaan oo aan la daryeelin, laakiin waa in aynu ilaashanaa”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku C/raxmaan Saylici oo ka qaybgalay kala gudoonka gaadiid loogu deeqay wasaaradaha qaarkood.








Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland