4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
44 Xildhibaan oo soo gaaray magaalada Kismaayo [DAAWO SAWIRRO]



Arbaco, 03 April, 2013 (HOL) :- Ku dhawaad ilaa 44 Xildhibaan oo ka tirsan golaha baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo iyadoona ay halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo.

Xildhibaanada oo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, waxaana ujeedka imaatinkooda uu ahaa taageeridda shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee ka socdo Kismaayo iyo weliba xallinta kala aragti duwanaanta u dhexeeysa dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo.

Xubnihii soo dhaweeyay wafdiga xildhibaanada ah ayaa waxaa ka mid ahaa ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliay Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaana sidoo kale garoonka ku sugnaa si ay wafdiga usoo dhaweeyaan odoyaal, dhalinyaro iyo haween, iyadoona ay xusid mudantahay in qaar ka tirsan haweenka reer Kismaayo ay garoonka kusoo bandhigeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay caanka ku yihiin gobollada Jubooyinka.

Wafdiga ayaa kulan gaaban gudaha garoonka kula qaatay masuuliyiinta maamulka Kismaayo, waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha maamulka KMG ee Kismaayo Sheekh Axmed Madoobe oo isagu xildhibaanada kusoo dhaweeyay magaalada, wuxuuna sidoo kale sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xildhibaanada Soomaaliyeed ay maanta indhahooda ku arkaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Jubooyinka.


Xildhibaan C/risaaq Cismaan Juriile oo hogaaminayay wafdiga ayaa ka warbixiyay ujeedada safarkooda, wuxuuna sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee ay u yimaadeen ay tahay in la taageero rabitaanka shacabka ku dhaqan Jubooyinka iyo weliba in ay xalliyaan kala aragti duwanaanta u dhexeeysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ee Kismaayo.

Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay uga warbixisay shirarkii ay magaalada Kismaayo kula yeesheen masuuliyiinta maamulka ka dhisan halkani, wuxuuna sheegay in ay sidoo kale dhageeysan doonaan madaxda maamulka Kismaayo ka dibna ay u ambaqaadi doonaan sidii loo sixi lahaa wixii khilaaf ah ee jira.

Sidoo kale waxaa garoonka iyana ka hadlay xildhibaano kala duwan, kuwaasoo dhamaantoodba ka sinnaa taageeerada ay u hayaan maamulka la doonayo in loo yagleelo gobollada Jubooyinka.

Xildhibaanada ayaa ugu danbeyn loo gelbiyay xarunta Jaamacadda Kismaayo halkaasoo uu ka soconayo shirka maamul u sameynta Jubooyinka, waxayna halkaasilagu gudoonsiiyay axdiga KMG ee la doonayo in lagu maamulo dowlad goboleedka Jubbaland, kaasoo ergada shirka ay ansixisay maalinimadii shalay.

Imaatinkan 44-tan xildhibaan ee ka tiran dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmeeysa iyadoo maalinimada berito ah sidoo kale la filayo in ay magaalada Kismaayo soo gaaraan xubno kale oo ka tirsan golaha baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.












Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.