4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
Col. Xasan Maxamed Nuur Shaati-guduud oo Xanuun Awgiis ugu Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Waddanka Jamarlka

Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Col. Xasan Maxamed Nuur Shaati-guduud oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, soona qabtay xilal wasiirnimo kana mid noqday baarlamaannadii Soomaaliya ayaa xalay ugu geeriyooday xanuun awgiis dalka Jarmalka.

Marxuumka ayaa kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool wuxuuna horay u ahaa hoggaamiyihii kooxdii RRA oo ka dagalaami jirtay gobolladaas, isagoo kasoo ka mid noqday dowladdii lagu soo dhisay dalka Kenya uu madaxda ka ahaa Col. C/llaahi Yuusuf oo isaguna geeriyooday.

“Waxaa saakay nasoo gaartay inuu xalay gellinkii dambe ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Jarmalka Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliya, runtii waa geeri naxdin leh,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Siyaasigan ayaa muddo dheer xanuunsanayay isagoo xilkiis xildhibaanno ee uu ka hayay baarlamaankii hore uga tagay xanuun awgiis iyadoo xilkaas loo dhaariyay C/casiis Lafta-gareen oo ay isku hayb yihiin.

Col. Shaati-guduud wuxuu dagaal la galay ciidammo uu hoggaaminayay Jen. Caydiid oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii kooxaha Soomaalida, kaasoo ku geeriyooday Muqdisho sannadkii 1996-kii, xilligaas oo ay caasimadda ka socdeen dagaallo sokeeye oo xooggan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna ka tacsiyeeyay geerida ku timid Shaati-guduud, isagoo sheegay in maydkiisa la keeni doono dalka laguna aasi doono, wuxuuna shacabka Somalida ka dalbaday inay u duceeyaan hoggaamiyahaas dhintay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya