4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2013
WASIIR DUUR “Ciidamada Amnigu 99% Way ku Guulaysteen in ay Sharciga horkeeno ciddii dambiyada geysan jirtay”


Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Mr: Maxamed Nuur Caraale (Duur), oo maanta golaha Wakiiladda Horyimid ayaa ka warbixiyey saddexdii bilood ee ina dhaaftay wixii u qabsoomay, waxaanu sheegay inay ciidan badan oo boolis ah ay tobabaro aqoontooda kor loogu qaadayo usoo xidheen, isla markaana aanay wax amni daro ahi aanay deegaanka ka jirin.

Wasiirka ayaa markii uu warbixintiisa dhameeyey waxa su’aalo waydiiyey xildhibaanadda golaha Wakiiladda, waxaana su’alahaasi ka mid ahaa dhacdadii lagu weeraray wargeyska Hubaal halka ay baadhitaanku u marayo, diiwaangelinta dadweynaha, Tuug badan oo magaaladda farobaas ku haya waxay ka qabteen iyo arrimo badan.

Haseyeeshe wasiirku waxa uu sheegay inay inta badan ku guulaystaan dambiyadda dhaca inay 99% qabtaan, isla markaana sharciga la horgeeyo, sidoo kale, waxa uu Wasiirku sheegay inuu ka xun yihiin weerarkii loo geystay wargeyska Hubaal, haseyeeshee baadhitankii meel fiican u marayso, isla markaana ay ku daba jiraan qofkii labaad ee ninka la hayo falka kula jiray.

“Dambiyo way dhacaan laakiin amni daro maaha, aduunka oo dhan way ka dhacaan, 99% ciidamadda amnigu way ku guulaysteen cidii dambiyadaasi gaystay, dambina wuu dhacaya wuuna dhici doona ee waxa la qiimayaa sidee wax looga qabtay”ayuu yidhi wasiirka arrimaha guduhu oo ka hadlayey dambiyadda ay ku guulaysteen inay soo qabtaan, waxaanu intaas ku daray “Haddii toban qof dil gaystaan waxa baxsada hal qof ama laba inta kale waanu ku guulaysanaa oo sharciga ayaanu horkeennaa”.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay ku tallo jiraan diiwaangelinta dadka ah si loo ogaado tiradda dadka wixii dhasha iyo wixii dhintaba, taasina ay u baahan tahay hawl adag iyo dhaqaale, haseyeeshee ay ku niyadsan yihiin inay hawshaasi si fiican ugu hirgasho.

“Waxaanu ku gudda jirnaa diyaarinta diiwangelinta iyo macluumaadka muwaadinka, dhalashadiisa, guurkiisa iyo dhimashadiisa, waana macluumaad qofka la ogaan doono, waxaan ka qaybgalay shir caalami ah oo ka dhacayey koonfur afrika oo ay ka soo qaybgaleen 54 wadan oo ah wadamadda dalalkoodda ka wadda diiwangalinta muwaadinkoodda, kuwaas oo aynu ka mid noqonay ”

Wasiirku waxa kale oo uu xusay inay tobabaro badan siiyeen ciidanka laanta socdaalka, kuwaas oo xuduudaha iyo madaarada la dhigay qalab lagu ogaanayo dadka wadanka soo galayo, isla markaana lala soconayo.

“laanta socdaalka waxa la siiyey tobabaro badan iyo qalab cusub oo dadka madaarada ka soo galla iyo xuduudaha lagala socdo xarunta guud ee laanta socdaalka oo ay qalab ku rakiban yihiin”ayuu raaciyey wasiir Duur

Sidoo kale Taliyaha Booliska Somaliland Gen;C/laahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay tuug badan iyo dhalinyaro habeenkii rabshado ka samaysa xaafadaha dhexdeeda ay xidh xidheen, qaarkoodna la xukumay qaar kalana ay gar sugayaal yihiin, haseyeeshee ay hadda yareeyeen tuugtii iyo dhalinyaradii dadweynaha dhibi jiray wakhtiyadda habeenkii.


Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland