4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2013
Wasiirka Arrimaha Diinta Somaliland oo ka Digay Dhaqan-xumo uu Sheegay inay kusoo kordhayso shacabka Somaliland

Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa sheegay in falal dhaqan xumo ah oo aan hore u jiri jirin ay dalka ku soo badanayaan, isla markaana loo baahan in wax laga qabto si umaddu u dhaqan guurin.

Wasiirka ayaa sheegay inay dalka si xad dhaaf ah ugu soo badanayaan falalka foosha xun ee ay ka mid yihiin Sinada, Kufsiga Carruurta iyo Tahriibka oo bilahan ugu dambeeyey aad u kordhay.

“Waxaan halkan kaga hadlayaa arrimo fool-xun oo ay ka mid tahay sinada oo aad mooddo inay faafayso Sinadu way sii kala fool- xun tahaye, waxa jira ilmo sabi ah oo wax laga dayayo iyo wax la yidhaahdo kufsi wadareed, iyadoo aanay jirin diin iyo dhaqan la ilaalinayo midna, sinadu waa dunuubta ILAAHAY ku halaago umaddaha.”ayaa yidhi wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo ka digaya dhaqan xumadda sii siyaadaya.

“ILLAAHAY waxa uu yidhi ha u dhowaanina Sinada oo ka fogaada sinada. Waxaan ummadda ku wacyigelinayaa kuna waaninayaa inay ka dheeraadaan oo la suuliyo fool-xumadda sinada.”ayuu yidhi, waxaanu u mahad celiyay Komishanka xuquuqul insaanka qaranka oo qabtay shir dhawaan ay daboolka kaga qaadeen tiro-koob ay ku sameeyeen kufsiyadii gobolada dalka oo dhan ka dhacay.

Wasiirku mar uu ka hadlayey Tahriibka oo dalka ku sii badanaya iyo dhalinyaro badan oo safaro halis badan u maraya si ay tagaan wadamadda Yurub, waxaanu yidhi “Arrinta Tahriibka Wasaaraddu aad iyo aad ayay uga hawl-gashay, waa arrin aafo qaran ah waayo waxa ku baa’baya xoogii iyo dhalinyaradii dalka u soo kacaysay, waana arrin xaaraan ah inaad naftaada biimo geliso. Waxa loo baahan yahay in waalidiintu door weyn ka qaataan oo ay dhalinyarada ka wacyigeliyaan halista tahriibka oo aan loo xaraashin dahabka iyo hantida qoysaska.”

Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxa uu ammaan u soo jeediyay laanta Socdaalka Somaliland oo qab-qabtay dad lagu eedeeyay inay xudun u yihiin tahriibinta.

Si kastaba ha ahaatee, baryahan dambe waxa si weyn loo hadal hayaa Tahriibka iyo kufsi dhowaan soo baxay oo la yidhaa kufsi wadareed ay dhallinyaradu inta badan ku kacdo, kuwaas oo iyagoo koox ah qofsada hal gabadh ah, waxa kale iyana dhaqan cusub ah kufsi loo geysta caruurta yaryar, haseyeeshee wasiirka Diinta iyo Awqaafta ayaa bulshadda ugu baaqay inay arrimhaasi wax ka qabtaan oo dadka ficiladaasi ku kacaya sharciga la horgeeyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland