4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2013
Dagaal Khasaare nafeed geystay oo Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray Deegaanno ka tisran Gobolka Bakool

Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo isugu jiray ciidankii dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay dagaal ciidammo ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno ku yaalla goblka Bakool.

Dagaalladan ayaa waxaa la sheegay inay qarxeen kaddib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen deegaannadaas oo ay gacanta ku haysay Al-shabaab, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhaawac ee dagaalladaas ka dhashay.

“Ciidamada dowladda ayaa weerarka qaaday, waxaana u suurogashay inay ka saaraan Al-shabaab deegaannada lagu dagalaamay oo Garas-weyne uu ka mid yahay ciidamada dowldda ayaa qabsaday,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Macallin oo la hadlay saxaafadda.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen ayaa sidoo kale sheegay in dagaalladu ay socdeen muddo saacad ka badan, iyagoo aan sheegay in dadka deegaanku ay kala yaaceen markii dagaalku billowday.

“Laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka, dhowr kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, inkastoo hadda ay xaaladdu deggen tahay haddana weli waxaa la maqlayaa rasaas dhacaysa,” ayuu yiri goobjooge ku sugan meel ka baxsan Ceel-garas oo la hadlay warbaahinta.

Xarakada Al-shabaab weli kama hadli dagaalka, iyadoo dagaalkan uu daba-socdo dagaal toddobaadkii hore ka dhacay isla deegaanno ka tirsan gobolka Bakool oo ay ka mid tahay Garas-weyne, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay iska difaacday weerarradii lagu soo qaaday.

Gobolka Bakool oo intiisa badan ay ka taliso Al-shabaab ayaa Al-shabaab waxay dib ula wareegtay bsihii hore degmada Xudur oo ay muddo sannad ah ku sugnaayeen ciidamada dowaldda iyo kuwa Itoobiya oo caawinayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya