4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2013
Dadaad khasaare ka geystay Magaalada Buuhoodle iyo daadadka oo mar kale barakaciyay dad barakacyaal ku ahaa degmadaas (SAWIRO)

Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Boqolaal qoys ayaa ku barakacay magaalada Buuhoodle kaddib markii daad xooggan ay kusoo rogmadeen kuwaasoo kaga yimid deegaannada galbeedka kaga aaddan magaaladaas.

Daadka oo aan si lama filaan ah kusoo galay magaaladda Buuhoodle ayaa khasaare duunyo ah soo gaarsiiyay dad ku dhaqan deegaannada Sool-joogto, Hagoogane iyo deegaanno kale oo galbeed kaga aaddan magaaldda Buuhoodle sida uu HOL u sheegay Khadar Cawl Ismaaciil oo agaasime ka ah idaacadda Daljir ee Buuhoodle.

Khadar wuxuu intaasi ku daray in xaafadda lagu magacaabo Tuulo Barwaaqo oo dhacda galbeedka magaalada Buuhoodle ay tahay mid laga barakaco xilli roobaad kasta; hase ahaatee uu sannadkan ka khasaare badnaa kuwii hore.

Waxaa roobabkan khasaare gaadhsiiyeen 18-qoys oo reer guuraa ah, iyadoo ka dilay 30-neef illaa 70-neef oo ari ah, sida uu sheegay agaasimaha Radio Daljir xaruntiisa Boohoodle Khadar Cawl.

Dadka barakacay ayaa sida uu sheegay Khadar waxay u badan yihiin dadkii horey barakac ahaanta ugu noolaa magaalada Buuhoodle, kuwaasoo deeggenaa guryo ay ka sameysteen cooshado iyo baakado la isku xirxiray.

Ma jiro wax kaalmo ah oo illaa hadda la gaarsiiyay dadka daadadkaasi ay ka barakaciyeen guryihii ay ku noolaayeen iyo weliba dadkii daaadadku ay kala tageen dadka kusoo rogmaday magaalada.


Sawirada: Afbakayle.com

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool