4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2013
Hay’adda Camuud Foundation oo Deeq Buugaag ah Ku Wareejisay Maamulka Jaamacadda Hargeysa ee Somaliland (SAWIRRO)


Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Hay’adda Camuud Foundation, ayaa maanta Jaamacadda Hargeysa ku wareejisay Buugaag ay ugu tallo gashay  inay ardayda jaamacaddaasi wax ka barataa wax ka akhristaan.

Munaasibad ballaadhan oo xarunta Jaamacadda Hargeysa loogu qabtay wareejinta Buugaagtan, ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Cabdi Xuseen Gaas iyo Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Camuud Foundation Cabdiraxmaan Axmed Obsiiye Geeljire, waxaana si rasmi ah buugaagtaasi Camuud Foundation kala Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Gaas.

Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Camuud Foundation C/raxmaan Axmed Obsiiye Geeljire oo ugu horrayn ka hadlay munaasibaddaasi, ayaa ku dheeraaday waxyaabaha kala duwan ee ay hay’adda Camuud qabato, isaga oo sheegay inay ka mid yihiin waxyaabaha ay qabtaan caawinta jaamacadaha iyo Goobaha ay dadka danyarta ahi ku noolyihiin, waxaanuu sheegay inay Buugaagtan ugu talo galeen inay ardayda jaamacadda Hargeysa wax ka bartaan oo ay aqoontooda kor ugu qaadaan.

Agaasimaha Hay’adda  Camuud C/raxmaan Axmed Obsiiye, waxa kale uu ugu baaqay dadweynaha reer Somaliland inay ku dadaalaan sidii ay u caawin lahaayeen Jamacadda Hargeysa oo soo saaraysa dhalinyaro aqoonyahano ah oo dalka iyo dadkaba anfici doona.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Cabdi Xuseen Gaas oo ugu dambayntii ka hadlay munaasibaddaasi uu kula wareegayey buugaagtaasi, ayaa  uga mahad celyey Hay’adda Camuud Foundation deeqdan  buugaagta ah ee ay  ugu deeqday, isaga oo ugu baaqay dadweynaha iyo hay’adaha kale  inay ku daydaan Hay’addan oo ay soo caawiyaan jaamacadda Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, ardayda jaamacada Hargeysa ayaa soo dhoweysay buugaagtan cilmiga ah ee loogu deeqay jaamacadoodda, gaar ahaan qaybta buugaagta lagu akhristo (Library-ga) .

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland