4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2013
UHURU KENYATTA: “Danta aan ka leenahay Soomaaliya waa inaan dib ugu soo celino ammaan iyo deggenaasho”`

Sabti, Abriil 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in danta ay Kenya ka leedahay Soomaaliya ay tahay sidii ay ugu soo celin lahayd ammaan iyo deggenaasho kaddib in ka badan 20-sano oo colaado ay ka jireen dalka ay dariska yihiin.

Kenyatta wuxuu sheegay in nabadda Soomaaliya aysan dani ugu jirin Somali oo keliya, balse ay dani ugu jirto gobolka oo dhan. Wuxuuna hadalkan sheegay kaddib markii uu Khamiistii lasoo dhaafay kulan la yeeshay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma la yeeshay Khamiistii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Kenyatta wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay ku shaqeeyaan magaca Midowga Afrika ee AMISOM, dantoodana ay tahay inay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dib u soo celinta nabaddii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.

“Waxaan xaqiijinayaa in Kenya ay u taagan tahay diyaarna u tahay inay ka caawiso shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda sidii ay nabad dalkooda uga dhalin lahaayeen, beesha caalamka waxaan ugu baaqayaa inay taageero siiyaan dadaalka uu gobolku wado,” ayuu yiri Kenyatta.

Maxweynaha Kenya wuxuu hadalkiisa ku sheegay in dowlddiisu ay si buuxda u taageersan tahay qorshah IGAD ee horumarinta Soomaaliya. Isagoo xusay in deggenaasho kusoo celinta dalka bariga Afrika ku yaalla ay dani weyn ugu jirto dalalka gobolka ku yaalla oo dhan.

“Ciidamada Kenya waxay sii wadi doonaan howsha ay qaybta ka yihiin ee AMISOM, waxayna qaybtooda ka qaadanayaan howsha socota ee nabad ku soo celinta Soomaaliya,” ayuu si fudud u yiri. Isagoo hadalkiisa raaciyay: “Qorshaha nabadeed ee Somalia waa mid uu dejiyay ururka Midowga Afrika, Kenyana waxay sii wadaysaa ballanqaadkeedii ahaa inay qaybteeda ka qaadan doono howshan.”

Dhanka kale, guddoomiyaha Midowga Afirka oo booqasho ku tagtay Kenya iyo madaxweynaha dalkaas ayaa ka dooday xoojinta iyo horumarinta ganacsiga guud ee Qaaradda Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya