4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2013
Dowladda Britain oo shaacisay inay Soomaaliya ugu deeqayso lacag ka badan boqol milyan oo doollarka Mareykanka ah


Sabti, Abriil 27, 2013 (HOL) — Dowladda Britain ayaa sheegtay inay Somalia siinayso lacag gaaraysa 80-milyan oo gini oo u dhiganta 120-milyan oo dollarka Mareykanka ah, si xal loogu helo deggenaasho la‘aanta muddada labaatanka sano ah ka jirtay.

Xoghayaha horumarinta caalamiga ee Britain, Justine Greening ayaa hadalkan ka sheegtay kulan ay magaalada London kula yeelatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas; iyadoo xustay in lacagtan si gaar ah loogu adeegsan doono ka bixitaanka saboolnimada iyo colaadda raagay.

“Britain waxaa ka go’an inay caawiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si uu dalka geeska Afrika ku yaalla uga baxo colaadaha ragaadiyay Somalia, waxaana laba jibaari doonnaa gargaarka aan siinno Soomaalida,” ayay tiri Justine Greening.

Sidoo kale, xoghayaha waxay ku ammaanay Soomaalida dalka Ingiriiska ku nool kaalinta ay ka qaataan horumarinta dhaqaalaha Britain iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xasilinta dalkooda.

“Waxaan gurmad u fidinnay 300,000 oo Soomaali ah oo ku nool gudaha dalka, sannadkii 2011, xilligaas oo abaaro ba’an ay ku dhufteen deegaanno badan oo ku yaalla Soomaaliya,” ayay tiri Greening.

Dalka Britain ayaa wuxuu muuqdaan in xilligan uu u soo jeestay wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya, iyadoo bisha soo socoda horraanteeda lagu wado in magaalada London ee xarunta dalkaas lagu qabto shir looga hadlayo horumarinta ammaanka iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Shirkaas ayaa waxaa ka qaybgeli doona in ka badan 50-dowladood oo ka mid ah kuwa deeqaha bixiya, waxaana shirkan lagu yaboohi doonaa lacag dib loogu dhiso Soomaaliya; kaddib laabaatameeyo sano oo colaado ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya