4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2013
Al-shabaab oo ku hanjabtay inay laynayso Dhamaan Shaqaalaha ka Howlgala Maxkamadaha Dowladda Soomaaliya

Sabti, Abriil 27, 2013 (HOL) — Kaddib markii Al-shabaab ay habeen ka hor ku dishay Muqdisho, ku-xigeenkii garyaqaanka guud ee dalka ayaa farriin ay kooxdan soo saartay waxay ku sheegtay inay mid-mid u ugaarsan doonto oo ay dili doonto dhammaan shaqaalaha maxkamadaha dalka.

Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa ku sheegay warbixin uu soo saartay Jimcihii shalay inay toogan doonaan dhammaan shaqaalaha maxkamadaha dalka ka howlgala, isagoo sheegay in dilkii ku xigeenkii xeer-ilaaliyaha uu billow u yahay arrintaas.

“Dilka Axmed Sheekh Nuur Macallin wuxuu qayb ka yahay dilal qorsheysan oo aan doonayno inaan ku qaarijinno dhammaan garsoorayaasha iyo shaqaalaha maxkamadaha dowladda Soomaaliya,” ayuu Abuu-Muscab u sheegay warkaaladda wararka ee Reuters. Isagoo raaciyay: “Dhammaan shaqaalaha haray waan u gaarsan doonnaa waxaana u dili doonnaa mid-mid.”

Rag bastoolado ku hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ayaa fuliyay dilka lagu qaarjiyay ku xigeenkii garyaqaanka dalka, iyadoo weerarkan uu kusoo aaday xilli ay dowladda dadaal weyn ugu jirto in ammaanka Muqdisho ay xoojiso.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay xoojiso hay’adaha garsoorka dalka, taasoo ay u aragto in lagu heli karo ammaan iyo kala dambeyn, balse Al-shabaab ayaa iyadu rumeysan inaysan waxba soo kordhinayn hay’adaha garsoorka dowladda oo ay ku sheegtay inay wax ku xukumaan waxyaabo ka soo horjeeda diinta Islaamka.

Waddamada deeqaha bixiya ayaa waxay sheegeen inay dowladda Somalia kala shaqeynayaan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa hay’adaha garsoorka, booliiska iyo ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale, dalka Britain ayaa lagu wadaa in bisha soo socda horraanteeda uu ka dhaco shir loogu talogalay in lagu xoojiyo ammaanka Soomaaliya, si ay u soo laabato kala dambeynta iyo deggenaashaha Soomaaliiya.

Xarakada Al-shabaab ayaa muddo shan sano ah dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya si ay xukunka uga tuurto, balse labadii sano ee ugu dambeeyay ayaa laga qabsaday kooxdan dhul ballaaran oo ay ka talinaysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya