4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2013
Abwaan C/laahi Macalin Axmed Dhoodaan oo Saaka ku Geeriyoodey Magaalada Herer ee Dalka Itoobiya

Jimce, Abriil 26, 2013 (HOL)- Abwaan C/laahi Macalin Axmed ”Dhoodaan” oo kamid ahaa sugaanyahanada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyoodey magaalada Herer ee dalka Itoobiya.

Warka ku aadan geerida abwaan Dhoodaan ayaa soo baxay gelinkii hore ee maanta, wuxuuna ku dhintay isbitaal ku yaalla Herer, oo maalmihii u danbeeyey xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayey.

Qaar kamid ah ehelada abwaanka ayaa sheegay in bilihii u danbeeyey uu la il-darnaa xanuun ka haleelay Sambbabada, iyadoo xiliyada qaarna ay ku adkeyd in uu si fudud u neefsado.

Abwaan Dhoodaan wuxuu caan ku ahaa Jacburka, oo ah jaad kamid ah suugaanta Soomaalida, waxaana la oran karaa in isagu uu ahaa ninkii sida rasmiga ah Jacburka usoo shaac bixiyey.

Abwaanka oo soo caan baxay todobaatamaadkii, wuxuu tiriyey suugaan tiro badan oo isugu jirta gabayo, heeso iyo geeraaro. Dhanka jilitaanka riwaayadahana aad ayuu ugu fiicnaa isagoo lagu xasuusto inuu ahaa nin aad u maad badan.

Qaar kamid ah abwaannada waaweyn ee Soomaaliya iyo dadka wax ka qora suugaanta iyo afka Soomaaliga ayaa mar sii horeysey Dhoodaan u caleema saaray in uu yahay “ abwaanka Somaaliyeed ee qarniga”.

Tixdii ugu qosolka badneyd ee uu tiriyey Abwaan Dhoodaan ayaa waxaa ka mid ahayd:

Hadday dumarku lacag leeyihiin MABA gaboobaabaane
Kol hadday qubays iyo wajiga bootar ku caddayso
Lixdankii siddeed baan jireey kugu tiraahdaaye HEEDHE

Jacaylkana anaa kala bartayoo wuu I daashadaye
Gabdhahaan ay ka daba boodayaan lacag ma haystaane
Habar kun iyo boqol haysataa la oggolaadaaye

Soow hadda maad garan

Sheekeeyooinkeedaana waa laga dhegeystaaye
Hadday tiraahdo shan baan diiday waa laga dhegeystaaye
Hadday tiraahdo cirkaan taabtay waa laga dhegeystaaye
Hadday tiraahdo baddaan jiiray waa laga dhegeystaaye
Hadday tiraahdo anaa kaa yar waa laga dhegeystaaye
Gaarinimo kolkay sheegatee muranka dayn weydo
Waxaa lagu yiraahdaa bullooy shaah inoo kariye
Qaxwahay samaysaa hadduu muufo noqon waayo
Kolkaa been inay sheegtay baa lagu ogaadaaye
Soow hadda maad garan
Ayaa lagu ogaadaaye

C/laahi Macallin Axmed “Dhoodaan”, oo sanadihii u danbeeyey ku noolaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, wuxuu ku dhashay degmada Doollo sanadkii 1941.

Dhammaan bahda Hiiraan Online waxay tacsi u dirayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Abwaan C/laahi Macallin Xasan "DHOODAAN"

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya