4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2013
Guddoomiyaha Ururradda Naafada Somaliland oo shaaciyay inuu Dadaal weyn ugu jiro sidii naafadu Xuquuqdooda ku heli lahaayeen


Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha Dalladda Naafadda ee Somaliland Mukhtaar Cismaan Muxumed, ayaa sheegay inay carqalad ku hayso dhismayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha oo aan loogu tallogalin sidii ay dadka naafadda ahi hawlahooga uga soo qabsan lahaayeen, isla markaana ka codsaday inay dadka naafada ah ugu tallogalaan meelihii ay u soo mari lahaayeen.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay caqabado badan oo ku gadaaman dadka naafada ah oo ay ka mid tahay xaga siyaasadda oo aan loo ogayn iyo xaga shaqooyinka oo dastuurku faquuqay xaquuqdoodii, haseyeeshee ay ku hawlan yihiin sidii qodobada ka hor imanaya wax looga qaban lahaa.

Gudoomiye Mukhtaar waxa kale oo uu tilmaamy inay dadweynaha ka yihiin 10%, sidaa darteed ay dad badan yihiin, haseyeeshee ay dadku ka haystaan fahan xun oo caqabad ku ah sidii ay bulshadda ula noolaan lahaayeen.

“Waxaanu qabanaa tobabaro, waxaanu qabana sidii dadka naafada ahi xuquuqdooda u  heli lahaayeen, sidii wax u qabsan lahaayeen iyo sidii ay caalamka ugu xidhnaan lahaayeen, waxaanu barnaa inuu shaqaysan karo inuu qofka aan naafada ahayn wuxuu qabsan karo uu qofka naafada ahina qaban karo”ayuu yidhi mukhtaar oo xafiiskiisa ugu waramayey HOL, kana hadlayey ujeedada loo aasaasay daladda iyo waxay u qabato naafadda, waxaanu intaas ku daray “Dad badan baa iskuulada dhigtaa qaar kalana Jaamacadaha ayey ka soo qalinjabinayaan,dadkeena waxay dadka naafada ah ka aaminsan yihiin fahan xun, waxay u haystaan in aanu shaqaysan karin in aanu waxba qabsan karin, waxay aaminsan yihiin in loo dawaro qofka naafada ah”.

“Waxyaalaha carqaladaha nagu ah ee aanu qabanay waxa weeyi marka aanu hay’adaha mashaariic u qorano waxay nagu odhan jireen mandate-kayaga kuma jirtaan, qodobka labaad wuxu ahaa miyaad wax siyaasad ah ka leedahay dawladiinu naafada, labadaasi qodob waxay ahaayeen kuwo naga hortaagan horumarka daladda”ayuu raaciyey hadalkiisa, waxaase uu sheegay inay sameeyeen siyaasadda naafadda ee heer qaran wax badana oo caqabad ku ahaana ay ka ololeeyeen,isla markaana ay imika golaha Wasiiradda usoo gudbinayaan si ay ugu gudbiyaan golaha Baarlamaanka.

“Dadka indhaha la’ iyaguna waxay leeyihiin iskuul oo meel fiicana way marayaan, dadkii dhagooleyaashana hadda qaarkood way dhameeyeen iskuuladda hoose/dhexe ilaa sare, waxaanu imika qabanqaabinaynaa sidii heer jaamacadeed u heli lahaayeen”ayuu yidhi gudoomiyaha Daladda naafadda Somaliland.

Mar uu ka hadlayey caqabada ka haysata xaga siyaasada inay ka qaybgalaan wuxuu yidhi “ ka qaybgalka taladda dalka aad baanu u xiisaynaa in aanu galno waanu u ololaynaa, dadka la faquuqo ee haweenka, dadka laga tiradda badan yahay iyo naafada ah waxaanu nahay koox la faquuqo, haweenku way naga dhaqaale badan yahay, kuwo laga tirada badan yahay ee uu dhaqanku faquuqo iyaga waa loo soo yara istaaga, laakiin anaga marka aanu nidhaahno talada ayaanu ka qaybgalaynaa dadku way nala yaabaanba”

Sidoo kale; wuxuu sheegay inuu dastuurku faquuqay oo uu ku jiray qodob odhanaya marka shaqaale la raadinayo in lagu soo qori jiray qofka shaqadaasi soo codsnaya waa inuu ahaada qof maskax ahaan iyo jidh ahaan caafimaad qaba, taasina caqabad weyn bay nagu ahayd waxaana ku guulaysanay in qodobkaasi meesha laga saaro oo laga dhigo inuu qofku maskax ahaan caafimaad qabaa, hawshiisana gudan karaa, maadaama oo dadku inta badan wada naafo yihiin, isla markaana aanay haboonayn in qofka naafada ahi shaqo ku waayo naafanimadiisa.

“Waxaan aad u mahadnaqnaa Cisbitaalka Gaargaar ee gaarka loo leeyahay ee ku yaala badhtamaha magaaladda Hargeysa, waxay u sameeyaan halka ugu saraysa ilaa halka ugu hoosaysa inuu qofka naafada ahi fuuli karo, oo baaskiilkiisa ayuu la kori karaa, waxaana wasiirka Cadaaladda ka codsaday in dhismaha cusub ee uu wasaaradiisa u samaynayo inuu ku daro qaybtii dadka naafada ahi usoo fuuli lahaayeen, isla markana dhisme kasta oo dawladu dhisanaysa waa in lagu dara qaybta naafada ilayn hadii kale dadka naafada ahi fooqyada dhaadheer ma fuli karaane”

Mar uu ka hadlayey inta bulshada ka yihiin dadka naafada ahi wuxuu yidhi “waxaanu ku qiyaasnay inay dhan yihiin 10% dadka naafada ahi gobolada Somaliland oo dhan, dawladdu waxay wada in dadka la diiwaangeliyo waxaana ka codsanay in dadka la diiwaangalinayo la noogu daro in qoys walba la waydiiyo inta naafada ah si aanu u ogaano dadka naafada ahi inta leeg yihiin ”

Sidoo kale, gudoomiyuhu wuxu sheegay in sanadkan doorashadii golaha deegaanka ka qaybgaleen oo ururaddii siyaasaddu xubno laga siiyey, nasiib darose aanay soo bixin maadaama ay yhiin dad tiro yar oo aan cod ku soo bixi karin.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland