4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2013
Ganacsade lagu dilay Magaalada Baydhabo iyo ciidamada Booliiska Baydhabo oo toogtay ruuxii dilay Ganacsadaha

Khamiis, Abriil 25, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo waxaa lagu lagu dilay ganacsate la yiraahdo Xasan Suuley kaasoo si weyn looga yaqaanay gobolka Bay. Ganacsadahan ayaa la sheegay inuu dilay nin la yiraahdo Maxamed Bush-Bush oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, isagana waxaa qabtay ciidamada booliiska iyagoo ku dilay isla goobta uu dilka ku geystay.

Sida la sheegayo labadaas qof waxaa in muddo ah ay isku haysteen dhul ay dooddiisu socotay tan iyo markii ay Al-shabaab ka talinaysay gobolka Bay, gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Xarunta gobolka Bay ee Baydhabo ayaa badanaa waxaa ka dhaca falal dilal ah oo ay fulinayaan xoogagga Al-shabaab; laakiin toddobaadyadan dambe ma dhicin fal noocaan oo kale, iyadoo ay magaalada joogaan ciidammo aad u tira badan; kuwaasoo hadda lagu cleinayo gooobahii ay kasoo tageen ee Jiida hore ee dagaal oo ay isku hor fadhiyeen Al-shabaab.

Maalintii shalay oo Arbaco ahayd waxaa magaalada soo gaarey ciidammo ka tirsan kuwea AMISOM wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka oo uu ka mid yahay gaariga beebaha loo yaqaan, waxayna gaadiidkan ka yimaadeen magaalada Muqdisho.

Imaanshaha ciidamadan ka tirsan kuwa Midowga Afrika ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo maalmahan la sugayay ciidammo AMISOM ah oo oo bedela ciidamada Itoobiya ee ku sugna Baydhabo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Bay.

Hiiraan Online, Baydhabo