4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2013
Koox bastoolado ku Hubeysan oo Xalay Weeraray Xarunta Wargeyska Hubaal uu ku leeyahay Magaalada Hargeysa

Khamiis, Abriil 25, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha wargeyska madaxa banaan ee Hubaal, ayaa sheegay in laba nin oo baastoolado ku hubaysani xalay soo weerareen wargeyskoodda, isla markaana dhibaatooyin soo gaadhsiiyey gudoomiyaha wargeyska.

Gudoomiyaha wargeyska Maxamed Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) ayaa warbaahinta u cadeeyey in laba nin oo madaxa soo duubtay xalay kow iyo tobankii habeenimo, iyagoo shaqadii ku guda jiro weerar ku soo qaadeen xarunta Wargeyska, haseyeeshee ay iska difaaceen, isla markaana ku guulaysteen inay mid ka mid ah soo qabtaan, kuwaas oo hadda ciidamada amnigu baadhitaan ku hayaan.

“Waxay xalay ilaa kow iyo tobankii habeenimo xafiiska noogu soo galay laba nin oo madaxa duubtay oo baastoolada wataa, waxaanay markiiba xidheen albaabkii dibadda ee ay ka soo galeen, waxaanay markiiba la soo baxeen baastooladii iyo bakooraddo ay siteen, waxaanay ila shan jeer ila dhaceen bakoorad oo gacanta ayey iga jabiyeen, rasaasna way nagu fureen, haseyeshee waxaan ku guulaysanay in aanu qabano mid ka mid ah Ragii oo aanu bastooladii isku qabsanay, nasiib wanaag waan ka qaaday bastooladii, isagiina waanu qabanay, kii kalana wuu baxsaday, waxaana hadda hubkii iyo ninkiiba iyo qalabkii uu sitay oo mobilkiisii ku jiro u gudbinay ciidamada amniga” ayuu yidhi gudomiyaha wargeyska Hubaal Caloolay oo ka waramayay qaabkii loo soo weeraray iyo siday iskaga difaaceen.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay labaddan nin ay ahaayeen laba nin oo booliska ah oo dirayskii iska soo saaray, isla markaana loo soo diray inay weeraraan xarunta wargeyska, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “labadan nin waxay ahaayeen laba nin oo booliska ah sida ciidankiii hawlgalinta xalay u lahaa noo sheegeen, waxaanay ahaayeen rag la noo soo adeegsaday.”

Si kastaba ha ahatee, Wargeyskan Hubaal ayaa ah wargeysa maalinle ah oo madax banaan, isla markaana aad wax uga qora xukuumadda Somaliland, waana markii ugu horaysay ee wargeys madax banaan goor habeenimo ah la weeraro, guud ahaana falka noocan oo kale ahina waa mid ku cusub Somaliland.

Inta badan wargeysyada magaaladda Hargeysa ka soo baxa ayaa habeenkii ilaa goor dambe shaqeeya, mana laha askar ilaaliso xafiisyadooddaa, isla markaana inta badan lama xidho albaabadda xafiisyada ay ku shaqeeyaan, taasina waa ta keentay in si dhib yar guriga ay ku jireen loogu soo gallay.

Illaa hadda xukuumadda Somaliland kama hadal falkan ugubka ku ah Somaliland, haseyeeshee waxa la sheegay in la raadinayo ninkii labaad ee falka kula jiray ninka la hayo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland