4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2013
Madaxweyne xigeenka Somaliland oo tacsi u diray Fannaanka Weyn Cismaan Gacanlow oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Burco

Khamiis, Abriil 25, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta tacsi u diray alla ha u naxariistee fanaankii weynaa ee Cismaan Maxamed Cabdikariim (Cismaan Gacanlow) oo maanta lagu aasay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

Madaxweyne ku-xigeenka Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa tacsi u diray Bahda Fanka iyo Suugaanta guud ahaan meel ay jooganba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid, ALLE ha u naxariistee MARXUUM, CISMAAN MAXAMED CABDIKARIIM (CISMAAN GACANLAW) oo ka mid ah abwaanaddii waaweynaa ee Fanka soomaalidda kor u qaaday.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Abwaan weyn oo taariikh ku leh Fanka iyo suugaanta Soomaalida kana mid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee Salka u dhigay fanka iyo suugaanta.

Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Fanka iyo suugaanta, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Alla ha u naxariisto abwaanka waxa uu lahaa Heeso badan oo dhaxalgal noqday, isla markaana ilaa hadda aan maskaxda iyo quluubta dadka aan ka bixin.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu tacsi u diray sideedii qof ee shalay ku geeriyooday shilka baabuur ee ka dhacay duleedka Arabsiyo, waxaanu ilaahay u baryey inay janadii fardawsa ka waraabiyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan ka siiyo, waxa kale oo uu ilaahay u baryey inuu caafimaadiyo intii ku dhaawacmay, isagoo shilkaasi ku tilmaamay mid naxdin weyn ku leh guud ahaan bulshadda Somaliland .

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland