4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2013
Xukuumadda Itoobiya oo shaacisay inuusan jirin Qorshe degdeg ah oo ay kula baxayso ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya

Khamiis, Abriil 25, 2013 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya ayaa ka laabatay go’aan ay ku sheegtay inay kula baxayso ciidamadeeda ku sugan Somalia, waxaana Itoobiya ay sheegtay inay ciidamadeedu kusii sugnaanayaan Soomaaliya muddo aanay cayimin.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay sii joogayaan Soomaaliya, oo aysan jirin qorshe deg-deg ah oo ay ku doonayaan inay uga saaraan ciidamadooda goobaha ay Somalia kaga sugan yihiin.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Minister Hailemariam Desalegn oo talaadadii lasoo dhaafay la hadlayay xildhibaannada baarlamaanka Itoobiya ayaa u sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya aysan ilaalin ballamadii ay qaadeen ee ahaa inay ku bedelayaan ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya oo ku sugan gobollada Bay, Bakool, Gedo iyo Hiiraan oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxay soo galeen laba sano ka hor, iyagoo dagaal adag la galay xoogaggii Xarakada Al-shabaab oo ay ka saareen deegaanno badan oo ay ku sugnaayeen.

Hailemariam wuxuu sheegay inay guuldarreysteen qorshayaashii ay AMISOM kula wareegay deegaannada ay ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen, taasoo dhalisay in ciidamada Itoobiya ay bishii hore isaga baxaan degmada Xudur oo ay dib u qabsatay Al-shabaab.

“Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu yiri waxaan ka walwalsannahay inaan ka saarno ciidamadeenna gudaha Soomaaliya. Balse ma oran waan la baxaynaa ciidamadeenna,” ayuu lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimahadda dibada ee Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti ayaa u sheegay warbaahinta inuusan jirin qorshe ay doonayaan inay ciidamadooda uga saaraan Soomaaliya.

“Hailamariam wuxuu yiri ciidamada Itoobiya waxay u wareegayaan goobo kale oo cusub halkaasoo u baahan in xasillooni lagu soo rogo. Balse maba uusan dhicin waan ka baxaynaa Soomaaliya,” ayuu yiri Mufti.

Wakaaladda wararka Reuters ee dalka Ingiriiska ayaa qortay Talaadadii in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu ku dhawaaqay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidamadooda uga saarayaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya