4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2013
Xiisad ka tagaan Magaalada Kismaayo, kaddib markii uu xalay halkaas gaaray Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale)


Khamiis, Abriil 25, 2013 (HOL) — Xiisado ayaa ka taagan maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii uu halkaas xalay gaaray Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ahaan jiray guddoomiyihii maamulkii dooxada Jubba oo halkaas horay uga talin jiray.

Col. Hiiraale ayaa la sheegay in isaga iyo ilaaladiisa ay xalay galeen gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo dadku ay saakay muujiyeen baqdin ay ka qabaan in dagaal uu ka dhaco degmadaas.

“Inta badan goobaha ganacsiga way xiran yihiin, qof walba wuxuu dhegta u taagayaa isbedel dhici doona, magaaladuna waxay gashay badow iskeed ah,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Kismaayo oo la hadlay HOL.

Goobjoogaha ayaa sheegay in xalay sidoo kale ay soo galeen Kismaayo illaa 80-askari oo ka yimid dhinaca gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo aan la ogeyn ujeedka ay u socdaan.

Inkastoo uusan jirin hadal kasoo baxay maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa haddana waxay dadka ku sugan degmada muujinayaan cabsi weyn, iyadoo dhawaanahanna ay degmada ka taagnaayeen isqabqabsi ku aaddan doorashada madaxweynaha maamulka Jubaland oo shirkii lagu dhisi lahaa uu bilihii uug dambeeyay ka socday degmadaas.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka jiray xiisado kala duwan oo u dhexeeya dhinacyo isku haya gacan ku haynteeda iyo maamulkeeda, iyadoo ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ay Al-shabaab kala wareegeen bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Col. Barre Hiiraale ayaan weli hadlin, waxaana la sheegay inuu ku sugan yaha magaalada iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo isaga iyo mas’uuliyiinta maamulka KMG ah weli dhexmaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya