4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain oo ku kulmay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Khamiis, Abriil 25, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta magaalda Muqdisho ku qaabilay xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, William Hague iyagoo kawada hadlay horumarka cusub ee Soomaaliya iyo doorka muhiimka ah ee dawladda UK ku leedahay arrimaha Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay gashay weji cusub oo horumarineed, caalamkuna waa inuu sidaas u ogaadaa,” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha Somnalia oo Hague uga mahadceliyay booqashadiisa labaad ee uu ku yimid Soomaaliya. Waxaana uu ra’iisal wasaaruhu u sheegay wafida Ingiriiska ka socda uu socdaalkooda ka mid ahaa sidii ay u furi lahaayeen safaarada UK ay ku leedahay Soomaaliya.

Kulanka ra’iisal wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon iyo xoghaya arrimaha dibadda Birtain, William Hague ayaa waxaa kaloo looga wadahadlay arrimmo ay ka mid yihiin xuquuqul insaanka, gaar ahaan kufsiga iyo xad-gudubyada kale, iyadoo Hague uu sheegay inay si gaar ah u eegi doonaan arrimahaas dalalka ku bahoobay G8 ee xilligan gudoonkooda dawladda UK hayso.

“Kufsiga iyo xad-gudubyada kale ee ka dhanka ah haweenka iyo carruurtu waa kuwo aan wax raad ah ku lahayn diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, mana ahan waxaan u dulqaadan karno gabi ahaan,” ayuu yiri ra’iiisul wasaaraha Soomaaliya isagoo intaas ku daray inay dawladdu samaysay guddi xuquuqul insaan ah oo ka hawl-gala sidii ay wax uga badali lahaayeen xaalada banii’aadanimo ee dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Somalia iyo xoghaya arrimaha dibadda ee Britain ayaa ka wadahadlay muhiimadda shirka arrimaha Somalia ee lagu qbaan doono London bisha soo socota. Waxaana Ra’iisal Wasaare Saacid ku wehlinayay kulankan wasiirka arrimaha dibadda, Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka arrimaha bulshada, Maryan Qaasim Axmed,

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Saacid wuxuu sheegay in shirka London ay rajaynayaan in caalamku taageero qorshaha ku aaddan ammaanka iyo horumarka dalka ee dawladdu waddo. Waxaana uu kulankii labada dhinac ku dhamaaday is-faham buuxa iyo ballan-qaadyo ku aadan wada shaqeynta labda wadan ee UK iyo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya