4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2013
AMISOM oo sheegtay inay Xoogag ka tirsanaa Al-shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

Arbaco, Abriil 24, 2013 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay inay koox ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ku dileen iskahorimaad muddo kooban socday oo shalay ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Hoosingoow iyo Dhoobley oo kawada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay kolonyo gaadiid ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM lagu weeraray shalay baqadii inta u dhexeysa Dhoobley iyo Hoosingoow, halkaasoo uu ka qarxay dagaal socday muddo nus-saac ah laguna dilay lix Al-shabaab ka tirsan sidoo kalena dhankooda uu kaga dhaawacmay hal askari.

AMISOM ayaa sheegtay in goobta ay uga carareen xoogaggii Al-shabaab hub kala duwan, kuwaasoo ay gacanta ku dhigeen.

Taliyaha guud ee AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in dagaalkaas ay ka qaybgaleen sidoo kale ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya; wuxuuna dagaalkaas ku tilmaamay mid looga adkaaday Al-shabaab ayna sii socon doonaan dagaallada lagula jiro Al-shabaab inta dadka deegaannadaas ku nool ay nabdagalyo buuxda ka helayaan.

“Howlgalku wuxuu ahaa mid naf iyo maal lagu bixiyay iyadoo la kaashaday dadka deegaanka u dhashay, wuxuuna kii ugu xoogganaa ee Koonfurta Soomaaliya ka dhaca tan iyo markii Al-shabaab laga qabsaday Kismaayo bishii Oktoobar ee sannadkii hore,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Dhanka kale, AMISOM waxay sheegtay in xaaladda ammaan ee dalka ay aad u soo hagaagayso ayna sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaalamayaan Al-shabaab iyo tababarrada la siinayo ciidamada dowladda si ay awood ugu yeeshaan inay adkeeyaan ammaanka dalkooda.

Hadalkan ayaa wuxuu soo baxay kaddib markii afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab uu sheegay inay dagaalkii shalay ka dhacay Jubbada Hoose ku dileen 12-askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ayna ku dhaawacmeen 15 kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya