4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2013
Ciidamada Badda Puntland oo Qabtay Shan Doomood oo si sharcidarro ah uga Kalluumeysanay Xeebaha Puntland [SAWIRRO]


Arbaco, Abriil 24, 2013 (HOL) — Cidamada badda ee Puntland ayaa howgal ay 24tii saac ee lasoo dhaafay sameeyeen, waxay kusoo qabteen doonyo si sharci darro ah uga kalluumeysanayey xeebaha Puntland ee gacanka cadmeed (Badda Cas).

Doomahan oo ay tiradoodu 5 tahay, waxaa laga leeyahay dalka Iran, waxaana saarnaa badmaaxiin ay tiradoodu dhan tahay 78, kuwaasoo dhamaantood u dhashay dalka Iran.

Sidoo kale; waxay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen 12nin oo Soomaali ah, raggan Soomaalida ah ayaa ilaalo ahaan u saarnaa doomaha shanta ah ee ay ee ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen.

Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo isagu ah taliyaha ciidamada badda ee Puntland, ayaa maanta warbaahinta kula hadlay xarunta ciidamada oo ku taal meel dhowr kiilo mitir ka durugsan garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Taliye C/risaaq ayaa sheegay in doonyahan oo muddo lagu raadjoogey laga soo qabtay agagaarka degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag, wuxuuna intaas raaciyey in ay taageero ka heleen maamulka iyo bulshada degmadaas oo iyagu horay usoo wargeliyey.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda kalluumaysiga ee Puntland Eng. Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) oo isna goobta ka hadlay ayaa si diirran usoo dhoweeyey tallaabada ay ciidamada baddu qaateen, isagoo tilmaamay in ay tahay mid dhiirigelin mudan.

Waa markii ugu horeysey ee ay ciidamada badda ee Puntland gacanta kusoo dhigaan tiro intaas le’eg oo ah doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Puntland.

Kalluumeysatada Puntland ayaa bilihii u danbeeyey si weyn uga qaylinayey maraakiibta Jiriifka, waxayna sheegeen in ay si weyn saameyn ugu yeesheen wax soo saarkoodii badda.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya