Talaado, April 23, 2013 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa galabta
ku dhawaaqay qaar kamid ah golihiisa wasiirrada, iyadoo inta hartayna gadaal
laga soo magacaabi doono.
Wasaarada arrimaha dibadda oo kamid ah wasaaradaha
ugu muhiimsan ayaa loo magacaabay Aamina Maxamed oo asalkeedu Soomaali yahay,
islamarkaana xilal kala duwan kasoo qabatay dalka Kenya iyo qaramada midoobay.
Haweenaydan oo ah diblamaasiyad caan ah ayaa xilal
kasoo qabatay wasaaradaha arrimaha dibadda,cadaalada iyo dawladaha hoose.
Waxay kaloo noqotay ku xigeenka madaxa Hay’adda UNEP
ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi iyo safiiradda Kenya u joogta xarunta
qaramada midoobay ee Geneva, iyadoo sidoo kalana tartan u gashay inay qabato
jagada ugu sarreysa hay’ada ganacsiga aduunka ee World Trade Organization
(WTO).
Waxayna noqonaysaa haweeynadii ugu
horreysay ee noqota wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, iyadoo sidoo kalana
noqonaysa markii ugu horreysay ee wasaarada arrimaha dibada loo dhiibo gabar
kasoo jeeda Soomaalida dalka Kenya.
Dawlada uu hogaaminayo madaxweyne Uhuru
Kenyatta ayaad moodaa inay Soomaalida Kenya door muhiim ah ka ciyaarayaan,
iyadoo hogaamiyaha isbahaysiga Jubilee ee aqalka baarlamaanka oo iyagu haysta
aqlabiyada kuraastana loo magacaabay xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo
doorto magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari.
Aamina ayaa markii la magacaabay Kadib sheegtay
inay aad ugu faraxsantahay xilka loo dhiibay.
“Waan ku faraxsanahay sida uu ii sharfay
madaxweynaha” ayay ku tiri hadal gaaban oo ay jeedisay iyadoo barbar taagnayd
madaxweynaha.
Waxayna Aamina kamid tahay 4-ta wasiir ee uu sida rasmiga ah u shaaciyay
Madaxweyne Kenyatta, iyadoo loo magacaabay Dr. Fred Okengo Matiang'i wasiirka
warfaafinta, isgaarsiinta iyo teknoolajiyada, Mr. Henry K. Rotich wasiirka hanta
dhowrka iyo James Wainaina Macharia oo isna loo magacaabay wasiirka caafimaadka.
Waxaana wasiiradan la horgaynaa
barlamaanka si ay u ansixiyaan, iyadoo madaxweynuhuna uu ku tilmaamay inay
yihiin dad lagu soo xulay aqoontooda ayna yihiin dad Kenya horumar gaarsiin
kara.
Soomaalida dalka Kenya ayaa jagooyinka
ay heleen loo malaynayaa inay ka dambayso taageeridii ay siiyeen Uhuru Kenyatta
oo dadka gobolka waqooyi bari ka helay codad aad u badan.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
asamad@Hiiraan Online
Nairobi , Kenya