4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2013
Hal qof ayaa ku dhintay Qarax Galabta Ka Dhacay Agagaarka Saldhigga Booliska ee Degmada Beledweyn


Talaado, Abriil 23, 2013 (HOL) —Qarax khasaare nafeed geystey ayaa gelinkii danbe ee maanta ka dhacay agagaarka saldhigga booliska magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa ka dhashay bunbada gacanta oo lagu tuuray goob maqaaxi ah oo ku dhegen saldhigga Booliska oo isagu xilligan fariisin u ah ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Hal qof oo ka tirsanaa howl-wadeenada maqaaxida ayaa la xaqiijiyey in uu qaraxaas ku geeriyoodey, waxaa sidoo kale dhaawacmay qof kale oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidamada nabad gelyada waddooyinka ee Taraafikada.

Rasaas qaddar daqiiqado ah socotey ayaa qaraxa kaddib goobta ka dhacday, waxaa sido kale la xiray waddooyinka soo gala saldhigga, inkasta oo xilligan ay xaaladdu tahay mid degen.

“markii uu qaraxu dhacayey meesha ayaan ka agdhowaa, halmar ayaan ku warhelnay jugta qaraxa, waxaa ku dhintay mid ka mid ahaa shaqaalaha maqaaxida, qof kale oo rayid ah iyo askari Taraafiko ahina way ku dhaawacmeen” goob jooge magaciisa qariyey ayaa sidaas HOL u sheegay.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo aan xiriir la sameynay si aan uga helno faah faahin dheeri ah oo qaraxa galabta Beledweyn ka dhacay ku saabsan, ayeysan noo suurta gelin in aan khadka ku helno, haseyeeshee wixii warar oo arintan kasoo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

Qaraxyada noocan oo kale ah ayaa magaalada Beledweyn kusoo badanayey tan iyo markii ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, wuxuuna qaraxani noqonayaa kii labaad ee muddo todobaad gudihiis ah ka dhaca agagaarka saldhigga Booliska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Soomaaliya