4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2013
Golaha Wakiillada Somaliland oo ka dood adag ka Ajandaha kalfadhigooda 21-aad kaddib markii ay fasax laba bilood ah ka soo laabteen

Talaado, Abriil 23, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa dood adag ka yeeshay ajandaha kalfadhiga 21aad ee golahooga, kuwaas oo ku kala aragti duwanaa qodobada ku jira ajandaha.

Xildhibaanadda qaar ayaa soo jeediyey in ajandaha lagu daro labadda sanno ee loo kordhiyey waxyaalaha loo baahan inay qabtaan, waxa kale oo doodda lagu soo hadal qaaday in shirkadaha shiidaal baadhista iyo macdanta xeerkii lagu dhiqi lahaa hore la isku dhaafiyo, maadaama oo arrimaha shiidaal qodista dhibaatooyin badan keeni karaan, isla markaana ay wasaarada iyo xukuumaddu golaha hor keenaan heshiishyadda ay galaan.

“Ajandaha ha lagu daro qiimayn xaaladda dalka ah, sidaynu la socono tan iyo intii goleyaasha deegaanku dalka ka qabsoomayn dhibaatooyinka badan oo baahsan ayaa ka jira dalka, maalinba maalinta ka dambaysa soo kordhayaa, waxaan ka warhaynaa in mudaharaadada loo adeegsado Rasaas ay dadku ku le’deen”ayuu yidhi xildhibaan Mahdi Ibraahim Buubaa oo ah afhayeenka xisbiga WADANI ee mucaaradka, waxaanu tilmaamay boolisku sida ay ula dhaqmaan shacabka marka ay mudaharaadayaan ay tahay mid aan loo baahnayn.

Sidoo kale, waxa uu soo jeediyey in loo yeedho guddida doorashooyinka oo wax laga waydiiyo sidii loo samayn lahaa diiwaangelin rasmi ah, isla markaana aanay dib u dhicin wakhtigii doorashadda loogu tallogalay.

Xildhibaan Axmed Kijaandho ayaa isna ku dooday “ Ajanduhu wuu fiican yahay, haseyeeshee wuxu u baahan yahay in la qorqoro, waxaan is waydiinayey xeerarka aynu samaynaa muxuu saamayn u yeelan waayey, waxaan is idhi malaha arrimaha markaasi jira ayaan waxba lagaga darin, ha lagu daro xaaladaha dalka ka jira ”.

“Ajandaha ha lagu daro sababta dhalinyaradu u tahriibayso, wadanka dhallinyaradii iyo kuwii aqoonyahanada ahaa aad bay u fagmayaan oo tahriib bay ku socdaan, waxa dilaacay kooxo hoose oo ka shaqaysata Tahriibka oo halkan (Somaliland) ilaa Liibiya fadhida, aniga waxay ila tahay inay arrin culus tahay, waxaan u malaynaa in qoys Somaliland oo aanu qof ama laba ka baxsani aanu jirin, waxaan u arkaa inay tahay arrin qaran oo culus, in arrintaasi golaha la soo hor dhigo oo laga dooda oo laga dhigo qodobka kowaad ”ayuu ku dooday xildhibaan Xuseen maxamed Cige.

“Waxaan leenahay haddii aynu nahay xeer dajintii xeerka aynu soo saarno isku xukuno oo inaga ha ina qabto, waxa jiray xildhibaan inaga tirsan oo Muqdisho tagay oo ka soo noqday oo  aan juuq la odhan, maantana jiraa’ida ku qoray waxay Somaliland isku raacsan tahay wax ka sheegay, waa in ajandaha ku darnaa in xildhibaanka (Cabdiqaadir Askari) xasaanada laga qaado, afhayeenka Wadani waxaan leeyahay xisbiga halkan uma joogtid ”ayuu soo jeediyey xildhibaan Axmed Diiriye nacnac oo aragtidiisa doodda ka dhiibanayey.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali oo doodda aragtidiisa ka dhiibanayey wuxuu yidhi “Ajandaha aynu hayno waxa ka maqan xeer muhiim ah, waxaad moodaa inay ka maqan tahay wadciga la taagan yahay wax ka turjumay ama muujinaya inaynu la socono oo shacab baa ina dhagaysanaya oo ina soo doortay oo wakiil u nahay ee aynu dantoodda ka doodno oo  aynu kula noqono”, waxaanu intaas ku daray “Wadanka hawlaha muhiimka ah ee ka taagan waxaana ugu weyn oo aan qabaa tabashooyinkii dhacay buste ayaa la saaray ee lama xalin, arrinta labaad waxaa weeyi teeram cusub baynu galnay waxay keenaysaa waajibaad, waxa weeyi mudadaasi labadaasi sanno ah ee aynu haysano hawlo badan ayaa inoo yaalla , in goluhu isla eego laba sanno ayaa la inoo kordhiyee maxaa hawlo ka abuurmaya haddii ay tahay Diiwanagelinti, xeerarkii doorashooyinka, hadii loo diyaar garoobayo, arrimo badan oo xalinta u baahan waa in arrintaasi laga doodo oo ajandaha laga doodo”

Maxamed Faarax Qabile, ayaa isna is waydiiyey in goluhu labadda sannadood ee loo kordhiyey loo baahan yahay iyo in kale, iyo waxa uu qaban karo labadda sanno ee Guurtiddu u kordhisay.

Si kastaba ha ahaatee, golaha ayaa laba bilood oo fasax ah ku maqnaa, waxaanay hadda ka doodayaan ajandaha kalfadhiga 21 ee golaha u furmay, iyagoo soo jeediyey in qodobo badan oo ka dhiman yihiin ajandahan lagu daro, isla markaana lagu soo daro soojeedimo badan oo ay soo jeediyeen.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland